Home Wararka Maanta Farmaajo oo aan Maantay Ka Qayb galayn Caleema Saarka Madaxweyne Deni

Farmaajo oo aan Maantay Ka Qayb galayn Caleema Saarka Madaxweyne Deni

0

Garoowe waxaa ku sugan madax iyo siyaasiin kala duwan oo lagu mart-qaaday xafladda caleema saarka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo sideeddii bishaan dib loo doortay.

Haddaba madaxda hore dalka u soo martay ee casuumaadda loo fidiyay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase-yeeshee wuu ka cudur daartay in uu munaasabdda uu ka soo qayb galo sida uu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta mamaulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

“Farmaajo wuu ka cudur daartay oo arrin qoys ayuu jadwalku kaga soo aaday,” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Inkastoo muddo ay ka soo wareegtay, haddana xilligii uu xilka hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dad badan ogyihiin in isaga iyo Deni xiriirkoodu uu xumaa oo weliba madaxweynaha Puntland uu xilligaasi si cad u sheegay in uu xooggiisa isugu gaynayo in meesha uu ka saaro Farmaajo, maadama xilligaasi Farmaajo ahaa musharrax madaxweyne mar kale.

Wixii intaa ka dambeyayna ma jirin hab shaacsan oo muujinayay in la xaliyay khilaafkii u dhaxeyay labada mas’uul maadaama uu markii horeba xoogganaa.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo iska Diiday inuu Ka Qayb Galo Caleema saarka Deni
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Garoowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here