Home Wararka Maanta Farmaajo oo Siwayn uga Horyimid Qorshe uu Madaxweyne Xasan Shiikh watay

Farmaajo oo Siwayn uga Horyimid Qorshe uu Madaxweyne Xasan Shiikh watay

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbad muuqaal ah oo la sii duubay oo warbaahinta lala wadaagay maanta kaga hadlay dastuurka Soomaaliya, oo wax ka beddelkiisa iyo dhameystirkiisa uu hadda horyaallo baarlamaanka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qodobada wax laga bedelayo ee dastuurka, isagoo sheegay in hanaanka ay dowladda Xasan Sheekh wax u rabto aysan wax dan ah ugu jirin umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay in hadii sidaan wax lagu sii wado ay taladu ka bixi doonto gacanta Soomaalida oo caalamku uu soo farogeli doono arrimaha dastuurka.

“Hadii ay dowladdu ka joogi weyso sida ay wax ku wado, caalamkuna soo farogelin waayo arrintaan, waxay noqoneysaa in qof kasta uu u laabto tuuladiisii,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu ku dooday in ajendaha dhanba uu qaldan yahay oo waxa socda aysan aheyn dhameystir ee dastuur bedel ay yihiin, isagoo tusaale u soo qaatay cutubka 4-aad oo maalmahaan doodiisa ay ka socoto kulamada baarlamaanka.

Cutubka 4-aad ayaa dhigaya in dalka laga bedelo nidaamka hadda lagu maamulo ee baarlamaaniga ah, iyadoo loo guurayo hanaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah.

Muuqaalka Farmaajo oo soconaya in ka badan 10 daqiiqo ayaa wuxuu ku dalbaday in dowladda Xasan Sheekh ay ka joogto halka ay u jaheyneyso dalkaan, wuxuu ka digay dhibaatooyin ka dhalan kara, hadii qorshahaani hir-galo.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya, oo uu ku jiro madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa sidan oo kale horey uga soo horjeestay hannaanka socda ee wax ka bedelka iyo dhameystirka Dastuurka.
Ad
Previous articleGaadiid loogu Talagalay Ladagaalanka Alshabaab oo Dowlada Lagu Wareejiyay
Next articleDawladda Soomaaliya maxay ka tiri in Imaaraatku joojiyay kaalmadii ciidan ee uu siin jiray Soomaaliya?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here