Home Wararka Maanta Dowlada Iiraan oo digniin culus kasoo saartay dagaalka Gaza

Dowlada Iiraan oo digniin culus kasoo saartay dagaalka Gaza

0

Iran ayaa ka digtay in baaxadda dhibaatada dadka rayidka ah ee ka dhalatay dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas ay si lama filaan ah u horseedi doonto ballaarinta colaadda, xilli saraakiisha Gaza ay sheegayaan in Israa’iil ay duqeysay ama ku dhowdahay dhowr isbitaal oo ku yaalla dhulka Falastiin.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Iran Hossein Amir-Abdollahian ayaa dhalin kara walaac ku saabsan in dadaalka diblomaasiyadeed ee Washington iyo in ciidamada badda ee Mareykanka la geeyo bariga Mediterranean-ka ay awood u yeelan doonaan inay ka hortagaan colaadda inay sii carqaladeyso xasilloonida Bariga Dhexe.

Amir Abdullahian ayaa u sheegay dhiggiisa Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, fiidnimadii Khamiista: “Ballaarinta baaxadda dagaalka ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Gaza, waxay lama huraan u noqon kartaa ballaarinta baaxadda dagaalka.”

Telefiishanka dawladda Iiraan ee Press TV ayaa soo tebiyay faallooyinka, oo la sameeyay intii lagu jiray wada hadal taleefoon, Jimcihii.

Duqeymaha iyo go’doominta Israa’iil ee Gaza bishii la soo dhaafay ayaa abuuray masiibo bini’aadantinimo, iyadoo kumannaan kun ay u raadsadeen daweyn iyo gabaad isbitaallada yar ee weli furan, halka kuwa aagga dagaalku ka socdo ay ku sugan yihiin khatar aad u daran.

“Gumaystaha Israa’iil waxay weerarro isku mar ah ku qaadeen tiro isbitaallo ah saacadihii la soo dhaafay,” ayuu afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Gaza Ashraf Al-Qidra u sheegay telefishinka Aljazeera.

Qidra waxa uu sheegay in duqayn ay Israa’iil ka geysatay barxadda cisbitaalka Al Shifa oo ah kan ugu weyn magaalada Qaza uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse ma uusan bixin faahfaahin.

Israa’iil ayaa sheegtay in Xamaas ay ku leedahay xarumo talis iyo godad dhulka hoostiisa mara Al Shifa, iyo isbitaallo kale sida Isbitaalka Indonesia, iyada oo eedeymahaas ay beenisay Xamaas.
Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis cusub ku saxiixday magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga(Sawiro)
Next articleQaramada Midoobay oo Aqbashay Codsi uu Xasan Shiikh Dhawaan Dorsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here