Home Wararka Somaliya Jubbaland Shacabka Garbahaarey oo mowqif ka qaatay maamulka cusub ee GEDO

Shacabka Garbahaarey oo mowqif ka qaatay maamulka cusub ee GEDO

0

Qaar kamid ah shacabka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa si adag uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee weli ka taagan gobolkaas iyo magacaabista maamulka cusub ee uu soo dhisay, Axmed Madoobe.

Shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen reer Garbahaarey ayaa waxa ay ku caddeeyeen mowqifkooda ku aadan maamulka cusub ee uu hoggaaminayo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir), kaas oo uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Mid kamid ah waxgaradka shirka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ay go’aan ku gaareen in Axmed Madoobe iyo maamulkiisa uusan ka shaqeyn Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka mideysanahay Axmed Madoobe iyo waxa uu wato midna aysan ka shaqeyn Gedo, kana shaqeyn doonin idinkuna middaas ogaada” ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ma rabno inaan gumeysi galno, Kismaayo dadaa lagu soo gumeystay, lagu soo laayay in Gedo looga daba yimaado oo lagu gumeysto wax wanaagsan ma’aha”

Sidoo kale Nabadoon kale oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay la dagaalami doonaan Jubbaland, hadiisan aysan joojin gar darro uu sheegay inay ku heyso reer Gedo.

“Haddii Nabadda la’iskala baxo, xornimada la’iskala baxo, gobonimada la’iskala baxo waxaa imaaneyso in la diriro, haddii hala diriro la yiraahdi waa nala yaqaanaa waxaynu nahay” ayuu isna yiri oday kale oo kamid ah dadka deegaanka, kana qayb-galay shirkaasi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) uu ku sugan yahay gudaha magaalada Garbahaarey, oo uu safar dhulka ah ku gaaray, kadib markii hawada dib looga soo celiyay

Ad
Previous articleIran oo diidday in ay safiir u dirto Sweden kadib kitaabkii qur’aanka ee lagu gubay
Next articleFaahfaahin ka soo baxaysa duqen Israa’iil ka gaysatay Xerada Jeniin ee Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here