Home Wararka Maanta Xasan Cabdullaahi Cabdi oo Dhawaan Hooyadiis Si Arxan Dara ah u Dilay...

Xasan Cabdullaahi Cabdi oo Dhawaan Hooyadiis Si Arxan Dara ah u Dilay oo lagu Xukumay Dil Toogasho ah

0

Maxkamadda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta xukun dil ah ku ridday eedeysane Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 11-kii bishii 6-aad ee sanadkan 2023 magaaladaas ku dilay hooyadiis, Xaliimo Maxamed Cumar.

Marxuumadda oo aheyd 61 sano jir ayaa dilkeeda wuxuu eedeysanaha u adeegsaday toorey, sida ay horay u shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka Jubbaland.

Edeysanaha ayaa sidoo kale maxkamadda kasoo muuqday isaga oo qiranaya inuu si ku talagal ah u dilay hooyadiis, taas oo ka yaabisay masuuliyiintii joogtay goobta.

Xasan ayaa intii ay socotay dacwaddiisa maxkamadda ka hor cedeeyey inuu miyir qabay oo wax xanuun ah uusan dareemeyn, markii uu Hooyadiis kula kacay falkaas.

Intaas kadib maxkamadda ayaa saaka soo saartay xukunka dil oo lagu riday Xasan Cabdullaahi Cabdi, kadib markii ay fadhiyo kala ka yeelatay kiiska ninkan oo ay si aad ah isha ugu hayeen dadka Soomaaliyeed.

“Maxkamaddu waxa ay ku xukuntay dabmiibe, Xasan Cabdullaahi Cabdi 37 sano jir ah, ina Xaliimo Maxamed Cumar ku dhashay Baardheere, deggan Kismaayo oo wakiilu dacwo u yahay Maxamed Daahir Ibraahim dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Xailiimo Maxamed Cumar 61 jir ah ina Baar Cismaan Cabdi” ayaa lagu yiri go’aanka maxkamadda.

Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay ” Qodobka 434. X.C.S. qof kastaa oo sababa dhimashada qof kale waxaa lagu ciqaabayaa dil”.

Sidoo kale maxkamadda ayaa ballan qaaday in xukunka dilka ah ee lagu ridday ninkan la fulin maalmaha soo socda.

Ninkan gacan ku dhiiglaha ah waxaa horay usoo qzbtay ciidanka booliska Jubbaland, kadib markii uu geystay dilka Hooyadiis, isaga oo markaas isku dayey inuu baxsado.

Si kastaba, Kiiskan ayaa argagax ku abuuray reer Kismaayo, waxaana aad loogu faaqiday baraha bulshada ee guud ahaan Soomaalida, waxayna haatan dadku muujiyanaan inay ku faraxsan yihiin dilka lagu xukumay.
Ad
Previous articleRaysulwasaare Xamse oo ka Hadlay Sababta Madaxweyne Xasan shiikh Timaha iyo karku ugu baxeen
Next articleLabadan gabar oo keliya oo laga soosaaray burburka gurigooda oo ka haray qoyska oo dhan’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here