Home Wararka Maanta Nin Oday ah oo Sabab layaab leh u helay Xaj Bilaash ah...

Nin Oday ah oo Sabab layaab leh u helay Xaj Bilaash ah iyo hadal heyn ka dhalatay

0

Nin oday ah oo u dhashay dalka Pakistan ayaa si weyn caan u noqday hadal heyn badana ka abuuray baraha bulshada, kaddib markii muuqaal laga duubay isaga oo kasoo baxaya Masjidka Nebigga ee Madiina .

Cabdulqadir oo 82 jir reer Pakistan ah ayaa dadkii daawaday muuqaalka laga duubay ku tilmaamay in uu shabaho aadna ugu egyahay asxaabtii hore, waxaana odaygan muuqaalkiisa si weyn ugu faafeen baraha bulshada.

Ninkan odayga ah oo kamid ahaa dadkii sannadkan cimreestay ayaa markii uu ku laabtay dalkiisa Pakistan wareysi uu bixiyay ku sheegay in muddo 15-sanno ah ku qaadatay in uu aruuriyo lacagta uu kusoo cimreestay.

Wareysiga uu bixiyay kaddib ayaa durba ninkan odayga ah waxaa u kacay dad muxsiniin ah oo kasoo kala jeeda Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga, kuwaa oo qof walbo dalbanayay in sannadkan qarashka ku baxaya in uu soo xajiyo odayga iyagu bixinayaan.

Ad
Previous articleSalmaan Khan oo ka hadlay Fariin hanjabaadyo ah oo hawada loo soo mariyay
Next articleWasiirka Caafmaadka Dowlada Soomaaliya oo Gaadiid ku Wareejiyay 3 Maamul Goboleed iyo Gobalka Banaadir(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here