Home Wararka Maanta P.M Xamza oo la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann...

P.M Xamza oo la kulmay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann kadib Go’aankii kasoo baxay Midowga Yurub(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa looga hadlay “Xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh dowladda,”  Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqeyn doonto dowladda Cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay kordhinayaan mashaariicda horumarineyd oo ay ka fuliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadcelshay booqashada Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Tiina Intelmann, isaga oo kaga mahadcelshay kaalinta ay ku leeyihiin dowlad dhiska Soomaaliya.

Tiina Intelmann oo ah Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ayaa uga Hambalyeesay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre xilka culus ee loo igmaday kaas oo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay 15 Juun 2022 Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa imanaya ayada Midowga Yurub uu 2-dii ku dhowaaqay inuu dib u billaabi doono lacagihii uu ku taageeri jiray dowladda federaalka ah Soomaaliya oo xayirnaa muddo ka badan sanad.

Taageerada Midowga Yurub ayaa la joojiyey ayada oo looga jawaabayo markii dowladda federaalka ay ku guuldarreystay inay qabato doorashooyin kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo 7-dii Februray 2021.

Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub Jutta Urpilainen, ayaa maanta sheegtay in ururka uu Soomaaliya gaarsiin doono lacag dhan €13.5 milyan oo taageero miisaaniyad oo deg deg ah si loo joogteeyo dardarta siyaasadda Soomaaliya, islamarkaana ururka uga qeyb qaato isbedellada ka socda dalka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in ururka uu Soomaaliya siin doono €125 milyan guud ahaan sanadkan 2022, si loo taageero dowlad dhisidda, isbedellada dhaqaale, adkeysiga iyo tallaabooyinka la xiriira isbeddelka cimilada.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 25-kii May Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.

 

 

 

 

Ad
Previous articleDhageyso Galmudug oo la wareegtay deeq Gargaar ah
Next articleRa’isul Wasaarihii Hore ee dalka oo Maanta u Ambabaxay Wadanka Sacuudiga (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here