Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kala Diray Laba GUdi oo Farmaajo Horay U...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kala Diray Laba GUdi oo Farmaajo Horay U dhisay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kala diray Golaha Adeega Qarsoorka Qaranka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaasi oo la dhisay xiligii madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale gebi ahaanba waxa uu baabi’iyey dhammaan wixii go’aano ahaa ee ay gaareen Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuq-maasuqa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud markuu arkay Qoraalka Sumadiisu tahay XG/504/B-12/021 ee ka soo baxay Aqalka Sare laguna sheegay in Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo Xubnaha Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa aan hawlgelintooda loo marin hannaan Dastuurka iyo Xeerarka waafaqsan, ayaa Xeer Madaxweyne ku baabi’iyey Xeerarka Madaxweyne ee kala ah Lr 357 iyo Lr 358 si loo toosiyo hannaanka dhissidda Golaha adeegga Garsoorka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee la-dagaallanka Musuqmaasuqa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Go’aanka madaxweynaha ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya wixii go’aamo ahaa ee guddiyadaas ay gaareen tan iyo markii muddadii la howl-geliyey, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale madaxweynaha oo ka duulaya ahmiyadda ay labadan guddi u leeyihiin dowladnimada Soomaaliyeed ayaa waxa uu faray xukuumadda inay deg deg u soo dhisto labadaan guddi, iyadoo la marayao sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo magaacaabista Guddiga Madaxa-Bannaan ee La dagaallanka Musuqmaasuqa.

“Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan-galay Oktoobar 09, 2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Somali.

Ad
Previous articleHogaamiye Muslim ah oo putin ugu baaqay inuu Nuclear ku garaaco Ukraine
Next articleCiidanka Liyuu Boolis oo hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay Gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here