Home Wararka Maanta Banaanbax Wayn oo ka Dhacay Maantay Magaalada Muqdisho(Sawiro)

Banaanbax Wayn oo ka Dhacay Maantay Magaalada Muqdisho(Sawiro)

0

Dibadbax balaaran oo uu soo aggaasimay Maamulka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho kaas oo kasoo qeyb galeen Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Xoghayaha Guud iyo kumanaan ka tirsan shacabka Caasimadda, Dibadbaxaasi oo lagu diidanaa damaca Dowladda Ethiopia iyo Heshiis beenaadka ay la gashay Muuse Biixi.

Dibadbaxayaasha ayaa socod kusoo maray qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, iyagoona isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium, halkaasi oo ay kula hadleen; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga, Xildhibaan ka tirsan BFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadeyso.

Ad
Previous articleMasar oo Wacad ku Martay inay Soomaliya Garab ka Siinayso Bada ay kusoo Duushay itoobiya
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Soomaaliya oo qaaday tallaabo diblomaasiyadeed culus kadib damacii Abiy Axmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here