Home Wararka Somaliya Maxaa iska badalay Go’anka Madaxweyne Farmaajo ee Xaalada Dalka?

Maxaa iska badalay Go’anka Madaxweyne Farmaajo ee Xaalada Dalka?

0

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa mar kale ah mid dagaalo xoogan ay ka socdaan iyadoo xili habeen ay tahay hadana magaalada waxaa laga maqlayaa hugunka hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo salka ku hayo xil kororsiga madaxweyne Farmaajo ayaa ah mid taagan waxana wararka la helayo ay sheegayaan in Madaxweynaha uusan iska badalin qorshihiisa ah in uu xilka sii hayo mudo labo sano ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaalka uu hada ku xunyahay madaxweynaha Farmaajo oo aanan ilaa hada ka hadlin dhibaatada ka taagan wadanka.

hadii uu madaxweynaha wax ka badalin mowqifkiisa hada waxaa dhici karta in wadanka gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dagaalo kale taasi oo dhibaato kasoo gaari karto Dadka Shacabka.

Mudug24 Muqdisho

Ad
Previous articleMidowga Yurub iyo Dowlada UK oo war kasoo saaray Dagaalka Muqdisho ka socda
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe oo ku Howlan In La xaliyo Colaada ka jirta Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here