Home Wararka Maanta Maxamed Coloow Maxamed oo oo isku soo dhiibay guutada Khaalid Bin-Waliid...

Maxamed Coloow Maxamed oo oo isku soo dhiibay guutada Khaalid Bin-Waliid ee Ku Sugan Galmudug

0

Maxamed Coloow Maxamed oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada Khaalid Bin-Waliid.

Ninkan oo magaciisu afgarashadu yahay Mascuud ayaa waxa uu muddo ka tiraanaa kooxda Al-Shabaab oo xilligaan wajaheysa wejigii ugu adkaa ee gulufka ka dhanka ah, kaasi oo looga xoreynayo deegaanada weli ku harsan gacantooda.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda, ninkaan ayaa kamid ahaa Shabaabka ku dhuumaalaysanaya deegaanadda miyiga ah ee gobolka Galgaduud.

Guutada Khaalid Bin-Waliid la yiraahdo ee uu isku soo dhiibay Mascuud ayaa horraanta bishii hore ka baxay magaalada Muqdisho, iyaga oo aaday furimaha dagaalka, halkaasi oo ay door muhiim ah ka qaadanayaan sidii dalkaan looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab

Ad
Previous articleItoobiya oo Markale Dagaal culus Gudaheeda Ka Qarxay
Next articleQarax Culus oo Haleelay Dad shacab ahaa oo Safar ku Jiray iyo dhimasho Badan ka dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here