Home Wararka caalamka Donald Trump oo qadka Taleefanka ku jaray Raisal wasaaraha Dalka Australia..

Donald Trump oo qadka Taleefanka ku jaray Raisal wasaaraha Dalka Australia..

0

Sida ay qortay jariiradda Washington Post, madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa taleefanka ku dhigay xanaaq dartiis ra`iisal wasaaraha dalka Australia Malcolm Turnbull.

Qorshaha ayaa ahaa in labadan masuul ay taleefanka ku wada hadlaan mudo hal saac ah, waxaanaa mr. Trump uu dhigay 25 daqiiqo kaddib  taleefanka kaddib markii wadahadalkoodu uu gaaray meel kulul oo ka careysiisay.

Khilaafkooda sababay in taleefannada la isku dhigo ayaa ka dhashay arrin khuseysa heshiis qoxooti gaaraya 1250 oo maamulka Obama saxiixay in uu u qaadayo dalka Mareykanka kuwaas oo ku sugan kaamam ku yaal jasiirado yar-yar oo ay dowladda Australia maamusha oo ku yaal badweynta.

Donald Trump ayaa ra`iisal wasaaraha Malcolm Turnbull u sheegay in arrintan ay ka hor imaaneyso siyaasaddiisa lagu soo doortay, waxaana uu ku eedeeyay in uu Mareykanka usoo musaafurinayo “argagixisada mustaqbalka” sida kii weerarka ka geystay magaalada Boston.

Trump ayaa la sheegay in sidoo kale uu la hadlay afar hoggaamiye oo caalanka ah kuwaas oo uu ku jiro madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Wadahadalka taleefan ee uu la yeeshay madaxweyne Putin ayuu ku sheegay kii ugu xumaa ebid ee uu la yeesho.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here