Home Wararka caalamka Raisal Wasaaraha Dalka Canada oo ka hadlay Weerarkii lagu qaaday Masjid Ku...

Raisal Wasaaraha Dalka Canada oo ka hadlay Weerarkii lagu qaaday Masjid Ku Yaalla Dalkaasi…

0

Ra`iisal wasaaraha dalkaasi Canada Justin Trudeau ayaa cambaareeyay weerarkii xalay ay dabley hubeysan ka geysteen xaafadda Sainte-Foy ee gobolka Québec ee dalkaasi halkaas oo ay ku dileen ilaa lix ruux.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay twitterka ayuu ku sheegay weerarkan mid fuleynimo iyo fal argagixiso ah, isagoona dhanka kale tacsi u diray ehelada dalka ku dhintay.

Waxa uu sheegay in shacabka reer Canada ay la murugeysan yihiin ehelada dadka weerarkaasi lagu dilay.

Xalay ayay aheyd markii dabley hubeysan oo ilaa iyo 2 ruux lagu sheegay ay weerar kusoo qaadeen masjidka oo waqtigaasi la sheegay in ay ku dukanayeen ilaa 40 ruux.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here