Home Wararka Maanta Iran oo diidday in ay safiir u dirto Sweden kadib kitaabkii qur’aanka...

Iran oo diidday in ay safiir u dirto Sweden kadib kitaabkii qur’aanka ee lagu gubay

0

Dowladda Iran ayaa diiday in ay safiir cusub u soo dirto dalka Sweden, kadib markii nin mudaaharaadayay uu qur’aan ku gubay bannaanka masjid ku yaalla caasimadda Stockholm.

Qaxooti u dhashay dalka Ciraaq ayaa kitaabka ku gubay bannaanka masjidka maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Hossein Amirabdollahian, ayaa dowladda ku eedeeyay inay siisay fasax uu ku qabto mudaaharaadyo xun.

Booliiska ayaa dhawaan diiday codsiyo la mid ah kuwa mudaaharaadyada, balse maxkamada ayaa markaas xukuntay in loo ogolaado sababo la xiriira xoriyadda hadalka.

Muslimiintu waxay Qur’aanka kariimka ah u haystaan ​​inuu yahay kitaabka Ilaahay waxayna u arkaan xushmad la’aan in la gubo.

Mr Amirabdollahian ayaa sheegay in inkasta oo la magacaabay safiiro cusub, Tehran aysan soo diri doonin.

“Habka loo dirayo dadkaasi waa la joojiyay sababo la xiriira dowladda Sweden oo fasax u siisay in qur’aanka kariimka ah la xumeeyo”, ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa sidoo kale ka codsatay dhiggeeda Sweden in loo soo celiyo qofkii gubay qur’aanka kariimka ah.

Waxay yiraahdeen maadaama uu weli haysto dhalashada Ciraaq, waa in lagu maxkamadeeyaa Baqdaad.

Dhacdadan kadib, kumannaan qof oo mudaaharaadayaal ah oo Ciraaqiyiin ah ayaa xoog ku galay safaaradda Sweden ee Ciraaq, ka dib markii uu soo abaabulay wadaadka Shiicada ah ee Moqtaha al-Sadr.

Waxay baxeen shan iyo toban daqiiqo ka dib markii ciidamada amniga la geeyay safaaradda.

Ad
Previous articleDowladda Sweden oo markii ugu horeysay war ka soo saartay falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu GubaybKitaabka Quraanka kariimka
Next articleShacabka Garbahaarey oo mowqif ka qaatay maamulka cusub ee GEDO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here