Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Habraaca Wax ka Badalka Dastuurka oo La Ansixiyay...

War Deg Deg ah: Habraaca Wax ka Badalka Dastuurka oo La Ansixiyay Xili Saxaafada Loo diiday inay Gudaha Baarlamaanka Galaan

0

Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goordhow kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa La Sheegay Buuuq iyo Saxan dheer Kadib in la Ansixiyay Habraacii Furitaanka iyo Wax ka Badalka Dastuurka Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha shacabka Aaden Madoobe ayaa ku dhawaaqay in la ansixiyey Habraaca wax kabedelka Dastuurka Soomaaliya oo laysku khilaafsanaa, iyadoo fadhiga buuq hareeyey xildhibaanada qaarkoodna diideen in Ajendaha la qeybiyo.

Talefishinka Qaranka ayaana Goordhow lagu Baahiyay Qoraalkaan:

Labada Gole ee Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyey Habraaca Wax ka badalka Dastuurka dalka.

Waxaa Ogolaaday habraaca 180 Xildhibaan halka ay diideen 30 mudane sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

Wariyayaasha madaxa banaan ayaa loo diiday madasha maanta.

Ad
Previous articleItoobiya oo war cusub ka soo saartay xiisadda kala dhaxeeysa Soomaaliya
Next articleFarmaajo oo ka hadlay tallaabadii uu maanta qaaday baarlamaanka ee uu ku ansixiyay habraaca wax ka beddelka dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here