Home Wararka Maanta Nin Dil u geestay Adeerkiis Hooyadii qabi jiray iyo Nin kale oo...

Nin Dil u geestay Adeerkiis Hooyadii qabi jiray iyo Nin kale oo Dilka la fuliyay oo xukun Adag lagu riday

0

Maxkamadda darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday labo askari oo lagu helay in dil bareer ah u geesteen nin oday ah oo ku sugnaa beertiisa oo kutaalla deegaanka No-50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed oo katirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa October 19-keedii u tagay deegaanka No-50 dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley deegaankaasi kunoolaa.

Labadan askari ayaa la sheegay kahor inta aysan dilin marxuum Yuusuf Cabdi in ay ka qaateen lacag gaareysa $17,300 oo dollarka maraykanka ah, waxa ayna markaas kaddib marxuumka u dileen si arxan darro ah sida goobjoogayaal sheegeen.

Gacankudhiigle Cali Cumar  ayaa la sheegay in marxuumka uu dilkiisa ka qeyb qaatay mar qabi jiray hooyadiis, waxaana ninkan iyo adeerkiisa u dhaxeeyay muran salka ku hayay dhaxal, kaa oo la sheegay in horey si hoose loo xaliyay.

Maxkamadda ciidamada ayaana xukun dil oo ah qisaasta marxuum Yusuf Cabdi Axmed ku riday Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed sida uu ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Ciidamada Galmudug oo Gacanta Ku Dhigtay Sadex Sarkaal oo Alshabaab La Tirsan
Next articleMadaxweyne Biden oo Booqasho deg deg ah Ku Tagay Dalka Ukrain(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here