Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Magacaabay 8-xubnood oo katirsan Guddiga Doorashada (Akhriso Magacyada)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Magacaabay 8-xubnood oo katirsan Guddiga Doorashada (Akhriso Magacyada)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka guud ee golaha ayaa magacaabay sideed xubnood oo kamid noqonaya guddiga doorashada Madaxweynaha.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale laga sugayaa in uu soo magacaabo saddex xubnood kale oo kamid noqonaya guddiga doorashada oo ka kooban 17-xubnood oo lix kamid ah ka imaanayaan Aqalka Sare.

Guddiga doorashada ee labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa diyaarin doona sidoo kale maamuli doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in isbuucyada soo aadan ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Halkan ka Akhriso Magacyada sideeda xubnood uu Magacaabay Aadan Madoobe

Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed
Xildhibaan Cali Xaaji Daahir
Xildhibaan Nuur Mustaf mukhtaar
Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey
Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu
Xildhibaan Maxamed Caananuug
Xildhibaan Cumar yuusuf
Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.
Ad
Previous articleDowlada Burindi oo Ka Hadashay Weerarkii Shalay lagu Laayay Askartooda iyo Qaar wali nolol iyo Geeri lagu La,yahay
Next articleShiikh Aadan Madoobe oo La Kulmay Saraakiisha ATMIS Xili uu la Wareegay Amniga Doorashooyinka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here