Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ciidamo beeleedyo ku dhex maraya deegan ka tirsan gobolka…..

Dagaal culus oo ciidamo beeleedyo ku dhex maraya deegan ka tirsan gobolka…..

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya, inuu saaka halkaas ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamo beeledyo oo muddooyinkii u dambeeyay ku dagaallamayay halkaas.

Ugu yaraan saddex qof oo labada dhinac ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaalkaas, welina lama cadeyn karo tirada dadka ku dhaawacmay.

Rasaas ayaa weli laga maqlayaa deegaankaas, sida uu inoo xaqiijiyay qof ku sugan aagga uu dagaalku ka dhacay.

Waxaa dhowr mar gul dareystay heshiis nabadeed oo la kala dhex dhigay labadan beelood ee halkaas ku dagaallamayay.

Dagaallada kusoo noqnoqday deegaanka Dararweyne ayaa la sheegay inay ku salaysan yihiin aano qabiil iyo dhul.

Wixii faahfaahin ah oo ka soo kordha dagaalkaas, halkan ayaad kala socon doontaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay kiiska shilka baabuur ee la sheegay in wiilkiisu baxsad ka yahay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Galabtay Si Rasmi ah u Saxiixay Ku Biiritaankii Bulshada Bariga Afirica iyo Qariiradii oo Soomaaliya lagu Soo Daray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here