Home Wararka Maanta Erdogan Oo Israa’iil Ku Tilmaamay Dowlad Argagixiso Ah, Si Adagna U Weeraray...

Erdogan Oo Israa’iil Ku Tilmaamay Dowlad Argagixiso Ah, Si Adagna U Weeraray Reer Galbeedka

0

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Israa’iil ay tahay “dowlad argagaxiso ah” oo dambiyo dagaal ka geysatay Gaza, kuna xad-gudubtay sharciga caalamiga ah, isagoo sii xoojiyey dhaleeceynta isdabajoogga ah ee uu u jeedinayo hoggaamiyeyaasha Israa’iil iyo taageerayaashooda reer galbeedka.

Isagoo ka hadlayay laba maalmood ka hor booqasho la qorsheeyay inuu ku tago Jarmalka si uu ula kulmo Chancellor Olaf Scholz, Erdogan ayaa sheegay in ololaha milatari ee Israel ee ka dhanka ah kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay ka mid yihiin “weeraradii ugu khiyaanada badnaa ee taariikhda aadanaha” iyadoo aysan “xad lahayn” taageero ay ka helayso Israa’iil reer galbeedka.

Waxa uu ku baaqay in hoggaamiyayaasha Israa’iil lagu xukumo dembiyo dagaal, lana horkeeno maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee Hague, wuxuuna ku celiyay aragtidiisa – iyo mawqifka Turkiga – in Xamaas aanay ahayn urur argagixiso, balse ay tahay xisbi siyaasadeed oo ku guulaystay doorashooyinkii ugu dambeeyay.

Britain, Mareykanka, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa Xamaas u arka koox argagixiso ah, iyaga oo ka fikir duwan Turkiga.

Ankara waxa ay martigelisay qaar ka mid ah xubnaha Xamaas, waxayna taageertaa in xal laba dawladood ah laga gaaro colaadda Israel iyo Falastiin.

“Iyadoo ay jirto naxariis darada loo duqeynayo dadka rayidka ah ee lagu qasbay inay ka baxaan guryahooda marka ay u guurayaan meelo kale, waxay si dhab ah u noqoneysa dowlad argagixiso ah,” ayuu Erdogan ka sheegay baarlamaanka isaga oo ka hadlayay Israa’iil. “Hadda waxaan si kal iyo laab ah u leeyahay in Israa’iil ay tahay waddan argagaxiso ah.” ayuu raaciyay Erdogan.

Wuxuu intaas ku daray: “Marna ugama xishooneyno dadka aan ku qanacsaneyn inaan sheegno xaqiiqda ah in xubnaha Xamaas ee ilaaliya dhulkooda, sharaftooda iyo noloshooda marka loo eego siyaasadaha qabsashada ay yihiin dagaalyahanno iska caabin ah, sababtoo ah dadka qaar ayaa ku qanacsanayn arrintaas.”

Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar ku Bilowday Qaraxyo Ku Qaaday Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya
Next articleDowlada Soomaaliya oo saartay digniin ku aadan todobada cisho ee soo socota iyo Waxa dhici Doona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here