Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Sheegoow iyo Ciidamadiisii oo Xukun lagu riday

War Deg Deg ah: Sheegoow iyo Ciidamadiisii oo Xukun lagu riday

0

Maxkamadda Ciidamada ayaa ku riday Sheegow iyo Maleeshiyadiisa Xukunno Isugu Jiro Dil, Mag iyo Sanado Xabsi Ciidan ah.

Sheegow Axmed Cali waxaa lagu Xukumay Bixinta Diyada Sakariye 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Cali oo ku baxay Fal-celintiisa iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay iyo 10 sano oo Xabsi ciidan ah.

Axmed 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Xasan (Abii Axmed ) taliyaha maleeshiyada Horjooge Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah, waxa uuna ku dilay jowhar Maxkamad ku taal laba eedeysane February 13-keedii sanadkan.

18 kale oo isla kuwii dagaalamay ayay Maxkamadda ku Xukuntay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Laba dhac gaystay ee fowdada ka bilaabatay ayaa iyana lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Telefoon-dii ay dhaceen.

Deeqow maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Ad
Previous articleDowladda federaalka Soomaaliya oo amar cusub kusoo rogtay shirkadaha iyo hay’addaha hubka ku dhex haysta magaalada Muqdisho
Next articleWaddaankii sedexaad oo sacaado gudahood safiirkiisa kala baxaya Israel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here