Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Suuqa Bakaaraha Oo Dab xoogan Ka Kacay

Wararkii Ugu Danbeeyey Suuqa Bakaaraha Oo Dab xoogan Ka Kacay

0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkan ayaa waxa uu si gaar ah uga kacay qeybta loo yaqaano Dahablaha, waxaana la sheegayaa in dabka uu xawli ku socdo, uuna kusii fidi karo qeybo kale oo suuqa.

Lama ogga waxa sababay, waxaana ganacsatada aysan weli helin wax gurmad ah, xilli uu dabka si xawli ah ku socdo.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkada Hormuud ayaa laga dalbaday gurmad deg deg ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen ganacsatada suuqa.

Dhaq-dhaqaaqa suuqa qeybo kamid ah ayaa sidoo kale hakad galay, waxaana saameyn guud ku yeeshay dabka saaka ka kacay halkaasi, wuxuuna kusoo aadaya xilli loo diyaar-garoobayo munaasabadda Ciidul Fidriga ee fooda nagu soo haysa.

Si kastaba, Gubashada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa marar badan soo laab-laabatay, dowladduna ma baarto sababta rasmiga ee keenta dabka sanad kasta ka kaca suuqa Bakaaraha.

Ad
Previous articlePuntland oo Jawaab ka Bixisay Xiritaankii Qunsalidii Itoobiya ee Garowe
Next articleFaahfaahin:Puntland oo qoraal yaab leh kasoo saartay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here