Home Wararka Somaliya Kheyre oo si adag uga hadlay Foodada Farmaajo iyo Ciidamada la dul...

Kheyre oo si adag uga hadlay Foodada Farmaajo iyo Ciidamada la dul dhigay Rooble

0

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay xiisada u dhaxeysa Farmaajo iyo Rooble .

Kheyre ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo looga fadhiyay door odaynimo iyo in dalka jihaadka saxda ah ee uu maanta ka furay inuu dalka u jiheeyo Godkii mugdi ahaa ee hore loogu galay Soddomeeyo sano ka kor

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka in maanta dalka uu galinayo Farmaajo ay mareyso heerkii xafiiskii Ra’isul wasaaraha ee loo igmaday in doorashada dalka fure la dul dhigo sawirada.

Waxaan shaki ku jiray in maanta dalkeenu galay hadal Mugdi ah. Waxaan shaki ku jirin in Mustaqbalkeeni iyo Mustaqbalkii Ubadkeenaba maanta la huwiyey Khatar aan indhaha laga qarsan karin , waxay maanta taagan tahay in Xafiiskii Raysal wasaarahii loo igmaday in uu daadihiyo roobaadka dalka guul la dhigo.” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu intaa ku daray ” waxaa muuqata in Madaxweynaha Meydkii Xileedkiisu oo looga fadhiyey door Odaynimo, in uu ka furay inuu dalka u jiheeyo Godkii mugdi ahaa ee hore loogu dhacay Soddomeeyo sano ka kor”

Kheyre ayaa sheegay in xili dalka uu wajahayo xaalada adag sida abaar, xaalada Al Shabaab iyo sicir barar in Madaxweyne Farmaajo go’aansaday in kaarayaal madaxtooyada dhaxdeeda ku xaliyo xalna u arko in ciidanka qaranka si khalad ah u furto.

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa uga digey jilibka sida in aysan siyaasadda ku milmin ayna dhiig faraha la gelin, waxa uuna ugu in aysan baaqan mustaqanla umadda mugdi gelin ayna dhiiga dadka canshuuraha lagu siin lahaa.

Kheyre ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in qeyb ka tahay sidii looga hortegi lahaa xaaladda maanta taagan si aysan inoo badin mustaqbal mugdi ah, dalkana nooga dumin, ka dibna noogu celin dariiqii mugdiga ahaa ee aan ka nimid.

Ugu Dambeyn Kheyre ayaa ugu Madaxda Maamul Gobolleedyada Isbitaalka in ay qabtaan shaqadadooda, deg-degna isugu soo baxaan si looga hortago Preno taagan dalkana si wadajir ah u badbaadinno

Ad
Previous articleWasiirka Amniga Oo Xirtay wada Muhiim u ah Farmaajo kadib markii Saakay loo Diiday inuu Galo Madaxrooyada
Next articleXasan Sheekh” Waxaan cambaareynayaa afgambiga milatari ee uu isku dayay Farmaajo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here