Home Wararka Somaliya Galmudug Xildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal oo Maantay Shahadaada Xildhibaanimo Qaatay iyo Kuwa...

Xildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal oo Maantay Shahadaada Xildhibaanimo Qaatay iyo Kuwa Gakmudug lagu Doortay oo ka mid noqday(Sawiro)

0

Guddiga doorashada heer federaal ayaa saakay oo sabti ah bilaabay bixinta shahaadada Xildhibaanada la siinayo xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee lagu doortay Muqdisho iyo dowlad goboleedyada.

Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug) ayaa noqday Xildhibaankii ugu horreeyey ee saakay qaata shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal ayaana saakay xildhibaano katirsan labada aqal gacantiisa ku siiyay shahaadada aqoonsiga Xilkdhibaanimo, waxaana saakay kaliya qaatay shahaadada aqoonsiga xildhibaano badan oo katirsan labada aqal.

Shahaado siinta Xildhibaanada labada aqal  ayaa imaaneysa xilli qoraalo ay soo saareen madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle  sheegeen in kiiska xildhibaanada labada aqal u gudbinayaan xoghayaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Ad
Previous articleMadaxweyne QoorQoor oo Reer Galmudug Udiray Hambalyo Ku aadan Dhalashada Bisha Ramadaan iyo Qaybo ka Mid ah Galmudug oo Maantay laga Soomanayn
Next articleGanacsade xalay Dabkii ka Kacay Hargaysa Ku waayay lacag ku Dhaw Haaf milyan Doolar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here