Home Wararka Somaliya Beelaha Hawiye oo sheegay in aysan aqoonsaneen Farmaajo iyo Muddo Kordhinta uu...

Beelaha Hawiye oo sheegay in aysan aqoonsaneen Farmaajo iyo Muddo Kordhinta uu sameystay

0

Kulan maanta ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee degan Muqdisho, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayay si weyn uga soo horjeesteen Muddo kordhinta ay sameeyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Madaxdii hore ee dalka , Xildhibaano iyo Waxgaradka.

War Murtiyeed kasoo baxay Shirka waxaa Saxaafadda u akhriyay xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in dhammaan ay isku raaceen in aan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo aqoonsan Madaxweyne Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale tilmaamay in ay qaadi doonaan tilaabo ka dhan ah maamulka Farmaajo haddii ay sii socdaan dhibaatooyinka lagu haayo Siyaasiyiinta degan Magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleQatar oo war kasoo saartay hadal ka soo yeeray Safiirkii hore ee Maraykanka u joogay Somalia
Next articleSheekh Shariif oo ka guuray Hoyga uu ka daganaa Muqdisho, Musharixiinta oo isku balaarinaya Caasimada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here