Home Wararka Maanta Caro iyo dibadbax ka dhashay dhimashada wiil yar oo shidaal lagu bilbilay...

Caro iyo dibadbax ka dhashay dhimashada wiil yar oo shidaal lagu bilbilay kadibna dab la qabadsiiyey

0

“Wuxuu waxbarashada aadi jiray shanta subaxnimo maalin walba. Isla xilligaas ayuu baxay jumcadiina. Nusu saac kadib waxaa nasoo gaaray war shegaya in qofi weeraray oo la dilay, way jirtay cabsi ah amaa la garaacaa balse waligeen meesha masoo dhigan in qof nafta dhaafinayo ilmahan yar.”

Way oynaysaa marka ay Amarnath habaryartii ka sheekaynayso dilkan xun ee dhacay 16 kii bishan.

Amarnath waxaa la dilay 16kii bashan – Jumcadii doraad waxaana lagu dilay magaalada Bapatla ee ka tirsan gobolka Hindiya ee Andhra Pradesh.

Dilkan arxan darrada ah ee loo geystay ardaygan fasalka tobnaad ah, Amarnath, ayaa bulshada dhexdeeda ka dhaliyey caro iyo argagax.

Erayadii ugu dambeeyay ee Amarnath

Amarnath wuxuu aqalka ka baxayshantii aroornimo, muddo shan daqiiqo uun lagu qiyaasay gudaheedna waxaa joojiyay eedaysanaha. Sida booliska lagasoo xigtay, waxaa dilkan ku eedaysan Venkateswara Reddy oo 23 sano jir ah.

Amarnath oo baaskiil uu barbarad ku yahay saaran ayuu Venkateswara waddada ka xiray, wuxuuna u jiiday dhabarka dambe ee loorar galey ah oo meel ku rastaysan, batrool ayu uku bilbilay kadibna dab ayu uku daaray.

Waxaa jira muuqaal ku baahay baraha bulshada oo uu Amarnath ku sharxayo wixii ku dhacay xilli gaadiidka caafimaadka degdegga ah isbitaalka loogulasii cararayey. Erayadiisii u dambeeyay sidan ayey ahaayeen:

“Waxay I joojiyeen aniga oo iskuulka usii socda, waddada ayey iga leexiyeen, gacmahaygana dib ayey u xiree, shiraacyo ayey igusoo dul tureen, kadibna inta batrool igu daadiyeen ayey dab I qabadsiiyeen. Waa in sidaas lagu sameeyo kuwii sidan I yeelay, yaan sidaas lagu deynin.” Ayuu yiri Amarnath oo isbitaalka loosie wado.

Amarnath dhexda ayuu ku dhintay nafna lama gaarin isbitaalka Guntur oo loosie waday.

Dad kacsan ayaa ku wareegsanaa gaariga meydkiisa waday mar loosie waday tuulada oo kasoo jeedo ee Cherukupalli mandal. Qaraabada Amarnath, qaar ka mid ah ururrada bulshada iyo hogaamiyeyaasha xisbiga mucaaradka ee Telugu Desam ayaa waddooyinka u dareeray si ay u dibad baxaan.

Walaashii ayuu qashqashaad ka hor istaagay

Kiis ayaa laga diiwaan galiyay saldhiga bilayska ee Cherukupally kaas oo ku saabsan dhimashada Amarnath. Marka laga reebo dilka, qaybo la xidhiidha Xeerka POCSO ayaa sidoo kale lagu soo rogay kiiskan. Hooyadiis Uppala Madhavi ayaa gudbisay kiiskan.

Iyadoo la hadlaysa BBC, P Lakshmi oo qaraabada Amarnath ah ayaa sheegtay, “Amarnath walaashiis ka weyn oo fasalka 12aad ah ayuu nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Venki dhibaa oo qashqashaadaa. Waxay u dacwootay maamulaha dugsiga Venki, laakiin guriga meysan waxba u sheegin cabsi awgeed. Walaalkeed Amarnath ayaa farriin arrintan ku saabsan taleefoonka ku arkay, wuuna ogaaday.”

“Venkateswara Reddy wuxuu ka baxay dugsiga oo hadda ma qabto wax shaqo ah. Mararka qaarkood wuu shaqeeyaa. Mar hore ayuu sidoo kale weeraray Amarnath, gurigiisii ayaan tagnay oo reerkiisa ayaan u dacwoonay. Waxaan uga dignay in aan dacweyn doonno haddi uu mar dambe dhibaateeyo wiillka yar laakiin sidan ayuu sameeyay.

Amarnath ayaa dhawaan u dabaaldegay dhalashadiisa 15aad. Hadda qoyskiisa ayaa masuuliyiinta ka ka dalbanaya in ciqaab adag la marsiiyo Reddy.

Wiilka dhintay ayaa deganaa tuulada Uppala Veri Pellam oo hoos timaada Rajavolu Panchayat. Boolis ayaa lagu daadiyey labada gooboodba si ay ammaanka u sugaan.

Markii xildhibaanka talada haya ee YSRCP Mopidevi Venkataraman uu u tagay inuu la kulmo qoyska dhibbanaha, shaqaalaha TDP ayaa ka soo horjeestay, waxaana aagga ka qarxay xiisad.

Waxaa jirta jawi cadho ah oo ay dadka deegaanka ka muujinayaan sharciga iyo kala dambeynta sii xumaanaysa. Xildhibaanka talada haya ayaa goor hore ka soo noqday guriga qoyska dhibbanaha.

Arrintan ayaa lugta la gashay siyaasad iyo heerarka ay u qaybsan yihiin dadka Hindiya taas oo isir ku salaysan.

Ad
Previous articleMaydka Maxamed Saxardii oo ugu Danbayn laga Helay Magaalada Marburg
Next articleMaxaa ka jira in xilka qaadista Cali Jeyte Cismaan lagu bixiyey laba Milyan oo Dollar?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here