Home Wararka Caalamka Labo Doon oo ku dagtay Xeebaha Dalka Giriiga, Somali oo ku jirta

Labo Doon oo ku dagtay Xeebaha Dalka Giriiga, Somali oo ku jirta

0

labo dooni oo  tahriibayaal ah ayaa ku degtay xeebaha Giriiga kuwaasi oo galaaftay nolosha ugu yaraan 18 qof, oo ay ku jiraan 16 haween ah oo asalkoodu Afrikaan yahay, marka lagu daro daraasiin la la’yahay.

Giriiga ayaa ugu baaqay Turkiga in ay ka hortagaan dadka tahriibayaasha ah in ay tahriibaan,waxana ay ka codsadeen Midowga Yurub in wax laga qabto.

Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay ilaa sodon kalena waa lagu la’yahay dalka Giriiga kadib markii labo doonyood oo muhaajiriin ah ay ku degeen dabeylo xooggan, sida ay maanta oo Khamiis ah sheegeen mas’uuliyiinta Giriiga.

Afhayeenka ciidamada ilaalada xeebaha Nikos Kokalas ayaa sheegay in meydadka 16 dumar ah oo u muuqda African-American laga soo saaray bariga jasiirada  Lesbos  ee xeebaha Turkiga ee Aegean kadib markii doonidii ay la socdeen ay degtay. 

Wuxuu intaas ku daray in sagaal haween ah la soo badbaadiyay, balse la la’yahay 15 qof, isagoo ku macneeyay in ku dhawaad ​​afartan qof ay saarnaayeen doonida markii ay musiibada dhacday, “Haweenka ayaa ku jira xaalad argagax leh.” Sida ay ku warantay DW.

Saacado ka hor inta aysan quusin, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in doon labaad oo shiraac ah, oo sida muuqata sidday 95 qof, ay ku degtay meel u dhow jasiiradda Citira, oo u dhow jasiiradda Peloponnese. 

Qaar ka mid ah dadkii badbaaday ayaa u suurtagashay in ay ku dabaashaan xeebta. Hawlgal wadajir ah ayaa u oggolaaday maraakiibta ku sugan badda, dab damiska iyo booliiska xeebaha inay soo saaraan 80 qof oo ka kala yimid Ciraaq, Iran iyo Afgaanistaan. Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in meydadka labo qof la helay subaxnimadii Khamiista.

Afhayeen u hadashay ciidamada ilaalada xeebaha ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegtay in kooxdan ay ku jiraan 7 haween ah iyo 18 caruur ah.

Ad
Previous articleCali Guudlaawe iyo wafdi uu hogaaminaayo oo Gaaray Baladweyne(Sawiro)
Next articleAl-Shabaab Oo Joojisay Dhismayaal Ka Socday Muqdisho Iyo Dowladda Oo Si Kulul Uga Hadashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here