Home Wararka Maanta Wixii xalay ka dhacay Golaha Ammaanka iyo waxa laga yiri xiisada Soomaaliya...

Wixii xalay ka dhacay Golaha Ammaanka iyo waxa laga yiri xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

0

U qaabilsanaha Qaramada Miidoobay Soomaaliya Catriona Laing, oo fadhi ay yeesheen ka jeedisay khudbadii koobaad ayaa ka hadashay sideed qodob oo ku saabsan xaaladaha Soomaaliya.

Waxaa ka mid ah Horumarrada laga sameeyay siyaasadda, horumarrada maamul goboleedyada, warbixin ku saabsan amniga, xuquuqda aadanaha iyo xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta wadanka.

Laakiin waxaa waqti badan Golaha ka qaatay xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku heysta is-afgaradkii ay gaareen Addis Ababa iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Heshiiskii is af-garadka ahaa ee la saxiixay maalinkii koobaad ee sanadkan ayaa Itoobiya siinaya marin toos ah oo badda ah, arrinkaas oo Itoobiya baadigoob ay ugu jirtay muddo dheer, iyo saldhiggii ugu horreeyay ee ciidamadeeda Badda.

Waxay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay samaysay talaabooyin wax ku ool ah oo ay ku hirgelinayso waxyaabaha muhiimka u ah bilahii lasoo dhaafay, oo ay ugu horreyso hirgelinta tubta amniga ee wadanka.

Sidoo kale waxay sheegtay in Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu caqabado ugu bilowday sanadka cusub, si gaar ahna waxay u xustay dhacdada diyaaradii ku dhacday Galmudug ee dadkii saarnaa ay u gacan galeen Al-shabaab, waxay intaa ku dartay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqaynayaan sidii iyagoo badqaba ay usoo noqon lahaayeen dadkaas lahaysto.

Waxay walaac ka muujisay is af-garadkii dhex maray Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed madax bannanaida ugu dhawaaqday ee Somaliland, kaas oo ay ku tilmaantay inuu fursad u siin karo al- Shabaab qorashada ciidan cusub.

Safiirka u fadhiya Ingiriiska Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, James Kariuki ayaa sheegay in marka laga hadlayo is af-garadkii Itoobiya iyo Somaliland wada gaareen ay dowladdiisu taageersantahay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale safiirka Slovenia u fadhiya golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Samuel Zbogar, ayaa sheegay in dagaalka al-Shabaab uu ka fogyahay in uu dhammaado, isagoo carabka ku adkeeyay in muhiimadda koowaad marwalba ahaato ka miro-dhallinta dagaalka lagula jiro al-shabaab, waxuu intaa raaciyay oo uu soo hadal qaaday khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya , iyo halka ay ka taagantahay dowladdiisa Slovenia.

“Waxaan ka walaacsanahay xiisadda u dhexeysa, Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo dhaawacaysa guulahii ay dowladda Soomaaliya gaartay, taas oo xoojinaysa dedaadalada ay al-Shabaab ku doonayaan in ciidamo cusub ku qortaan. Waxaanu si cod u bayaaminaynaa, taageeradayada madaxbaanida iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya” ayuu yiri Samuel Zbogar.

Safiirka u fadhiya Golaha ammaanka Ruushka ayaa iyanah soodhaweysay heshiiskii madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ay dhawaan ka gaadheen arrimaha doorashooyinka, waxayna sheegtay in Ruushku aaminsanyahay muhiimadda ay leedahay madaxbannaanida, dhuleed iyo midnimada Soomaaliya, waxay sidoo kale caddeysay muhiimadda ay leedahay in la taageero hay’addaha ammaanka Soomaaliya si ay si madaxbannaan u maamulaan guud ahaanba dhulka Soomaaliya.

“Si aan uga caawinno wadankaan gobolka bariga Africa ku yaalla ee aan saaxiibbada nahay, dhibaatooyinka daran ee dabiiciga ah, Ruushku waxay Soomaaliya siisay deeq gargaar bini’aadantinimo oo 50-kun oo tan oo qamadi ah”

Waxay sidoo kale sheegtay in lasii wado caawinta Soomaaliya iyadoo sida loo dhowrayo, madaxbanaanida, gobanimada dhuleed, iyo xorriyadda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka u jooga Golaha Ammaanka eeQaramada Midoobey, ayaa isna sheegay in Maraykanka uu ka walaacsanyahay is af-garadkii ay wada galeen dowladda Itoobiya iyo Somaliland kaas oo aan ku dhicin ogolaanshaha dowladda federaalka Soomaaliya.

“Maraykanku isagoo la jira Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo saaxiibadda kale ee caalamka, waxaan ku celineynaa taageeradayada madax banaanida iyo gobanimada dhuleed ee Soomaaliya. Waxaana soo jeedinaynaa, in xaaladda lagu damiyo wada hadal” isago hadalka sii wata ayuu sheegay, “Waa muhiim in arrinkani uusan carqaladayn tillaabooyinka wax ku oolka ah ee dowlid dhiska Soomaaliya”.

Dhawaan Soomaaliya waxay yeelatay wada hadal siyaasadeed sida qaab-dhismeedka siyaasadeed ee wadanka, dastuurka iyo doorashooyinka guud, Shiinuhu waxay taageeraysaa gabi ahaanba Soomaalida si ay u xaliyaan kala duwanaanshahood iyagoo wadahadal iyo wadatashi samaynaya. Waa in hoosta laga xariiqo, dookha siyaasadeed iyo jidka horumarku in uu yahay arrin u gaar ah Soomaaliya.

Beesha caalamkuna waa in ay u hoggaansanto mabaadii’da ah wax Soomaalidu leedahay iyaduna hoggaaminayso; waana in layska ilaaliyo nidaam dowladeed dibadda lagu sameeyay [loo keeno soomaalida]” ayuu yidhi safiirka u jooga China Golaha amaanka isagoo sheegay in Shiinaha taageersanyahay madaxbaanida dhuleed iyo gobanimada tahayna tahay in la dhowro midaas.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle, ayaa ku tilmaamay is af-garadkii Itoobiya ay la gashay Somaliland, tillaabo kala qaybin iyo xudgadub ku madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, isagoo sido kale qeexay in tillaabadani tahay mid lid ku ah axdiga Qaramada Midoobay

“Dowladda Somaaliya waxay dhaleecanaysaa, diidantahay, tilaabooyinka sharci darrada ah ee Itoobiya – in Itoobiya ka samaysato saldhig ciidan Soomaaliya dhexdeeda, waxay ka dhigantahay ku dhawaaqis dagaal oo ku aadan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Danjire Baalle.

Ad
Previous articleMeydka gabadhii uu gubay ninkeeda iyo Macalinkii lagu dilay dugsiga ayaa toddobaadyo lagu hayaa qaboojiye Walina aan La aasin Waa imisa Habeenkii Lacagta Ku Baxda Maydadkaas?
Next articleDowlada Shiinaha oo ku baaqday inaan la fara-galin Siyaasada Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here