Home wararka Dalka Dagaal ka socda Cabud-waaq oo ku geeriyootay 5 ruux..

Dagaal ka socda Cabud-waaq oo ku geeriyootay 5 ruux..

0
SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Cabduwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in uu magaalada ka bilowday dagaal u dhaxeeya laba maleeshiye beeleed.

Dagaalkan oo lagu soo warramayo inay 5 qof ku dhinteen tira kalena ku dhaawacmeen, ayaa imaanaya maalmo un ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka laba beelood oo magaalada wada dega oo dhowr mar magaalada ku dagaalamay ay heshiis kala saxiixdeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu salka ku hayo aano qabiil oo u dhaxeysa beelaha ay kasoo kala jeedaan labada maleeshiyo ee dagaalka uu dhex marayo.

Warar kale oo warbaahinta Cabudwaaq ayaa tilmaamaya in 3 ruux oo kaliya ay dagaalka ku dhinteen.

Dagaalka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan magaalad uu ka dhacay heshiis dhexmaray labada beel ee heshiiyay.

Lasoco wixii ku soo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here