Home Wararka Somaliya Galmudug Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Galmudug oo iscasilay iyo Hirshabeele oo Xil U...

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Galmudug oo iscasilay iyo Hirshabeele oo Xil U magacowday

0

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa u magacaabay guddoomiyaha Maxkamada Sare Hirshabelle Cabdullaahi Maxamuud Gacal.
Magacaabistan ayaa lagu sheegay  inay  timid talo soo jeedinta Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka Hirshabelle,Waxaana bilihii la soo dhaafay aad loo dhaliilayay garsoorka Hirshabelle gaar ahaan Maxkamadaha Gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha loo magacaabay Maxkamada Sare ee Hirshabelle Cabdulaahi Gacal ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Galmudug taasoo labo maalmood kahor uu iska casiley.

Waxana uu sidoo kale Cabdulaahi Gacal hore u soo noqday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Hirshabelle waxana uu leeyahay waayaragnimo muddo dheer ah oo xagga garsoorka.

Ad
Previous articleNin dilaa ah oo loo diiwaan geliyay inuu isku gubay gudaha xabsigii uu ku jiray oo la qabtay
Next articleWararkii ugu danbeeyey Shukri Cali Mahad Alle oo lagu dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here