Home Wararka Maanta Soomaaliya oo ka hadashay warkii Turkigu kasoo saaray qodista shidaalka Soomaaliya

Soomaaliya oo ka hadashay warkii Turkigu kasoo saaray qodista shidaalka Soomaaliya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay war kasoo yeeray dalka Turkiga oo ku saabsan qodista shidaalka Soomaaliya, tanoo la xiriirta heshiiskii ay dhowaan wada galeen labada dal.

Turkiga ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu sanadka 2025-ta ka bilaabo Soomaaliya howlo shidaal qodis ah, gaar ahaanna badaha Soomaaliya, sida u usheegay wasiirka tamarta ee dalkaas.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, kaasoo sii xoojinaya xiriirka ka dib markii ay ku heshiiyeen heshiis difaac ah sanadkan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamed Xaashi Carrabey, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in warka Turkigu uu sax yahay, sidaasna ay ku jirtay heshiiskii ay wada galeen.

“Sax waaye, heshiiska ayay qeyb ka tahay. Waa inay baaraan kadibna ay sameeyaan shidaal qodista,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in heshiiska uu caddeynayo in shaqada la bilaabo, isla markaana sanadka 2025 ee Tukrigu sheegay ay tahay xilliga ugu habboon.

“Wasiirku wuxuu sheegay inay qiimeyn bilaabayaan waqtigaas 2025 ah, waxyaabaha qaar waa lagu heshiiyay, inta dhimanna waxaa la dhammeystirayaa kahor waqtigaas,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay xilligaas u diyaarsan tahay qodista shidaalka.

Meelaha la doortay in laga bilaabo qodista shidaalka ayuu sheegay inay yihiin magaalooyinka Hobyo iyo Baraawe oo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Shabeellaha Hoose.

“Sababta loo doortay labadan magaalo waa inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee markii baaritaanka la sameynayay la asteeyay.” Ayuu yiri agaasimaha.

Muxuu Turkigu yiri?

Wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa waraysi uu siiyey telefishinka gaarka ah ee NTV ku sheegay in Turkigu dhowaan bilaabayo shidaal qodista Soomaaliya.

“Waxaa jirta meel ku taal badda Soomaaliya oo aan u aragno inay ku jiro kayd shidaal, waxaan billaabi doonnaa shaqada samahinta ‘seismic-ka’, waxaan rabnaa inaan sameyno qodista badda qoto dheer sannadka 2025,” ayuu yiri Alparslan Bayraktar.

“Heshiiskaan, waxaan fulineynaa howlo wadajir ah oo lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed si kheyraadka Soomaaliya loo gaarsiiyo, waxaan rabnaa in aan xoojinno joogitaanka Turkiga ee Geeska Afrika oo iskaashi cusub oo dhanka tamarta ah” ayuu yiri Bayraktar oo xilligaasi ka hadlayay arrimaha bulshada. warbaahinta X, oo hore loo yiqiin Twitter.

Wasiirka Tamarta iyo khayraadka dabiiciga aha ayaa sheegay in sahaminta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ee laga baarayo xeebaha Soomaaliya uu hadda u muuqdo mid u eg shidaal.

“Waxaa dhawaan ka billaaban doona goobihii aan aqoonsannay, waxaa laga yaabaa in wejiga koowaad aan u dirno markabkayaga seismic (sahaminta) halkaas,” ayuu intaas raaciyey

Heshiiska waxaa ka mid ah gaadiidka, qeybinta, sifeynta, iibinta iyo howlaha adeegyada shidaalka iyo badeecadaha kale ee laga helo mashaariicda dhulka iyo badda.

Bishii Febraayo, Turkiga waxa uu Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, waxaana ay siin doontaa taageero dhanka amniga badda ah si dalkan uu u difaaco baddeeda.

Turkiga oo saaxiib dhow la ah dalka Geeska Afrika ayaa maalgeliyay waxbarashadiisa, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, waxaana uu siiyay kaalmo bini’aadantinimo oo ballaaran.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, mugga ganacsiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya wuxuu gaaray $187.3 milyan sanadka 2018 iyo $250.85 milyan sanadka 2019.

Wasiirka tamarta Turkiga oo sidoo kale ka hadlayey wax soo saarka saliida ee dalkiisa ayaa sheegay in ajandaha Turkiga ay ku jiraan in sidoo kale ay hormariyaan dhankooda.

“Batroolka Turkiga wuxuu soo saarayay 33,000 oo foosto billowgii sannadkan 2016-ka, maanta Gabar kaliya ayaa dhaaftay 40,000 oo foosto oo wax-soo-saarka maalinlaha ah, hadafkeenu waa inaan sare u qaadno wax-soo-saarka maalinlaha ah ee Gabar illaa 100,000 oo fuusto, howsha xooggan ayaa sii socota.” Ayuu yiri Bayraktar.

Intaa waxa dheer, waxa uu iftiimiyay dhaqaalaha ku jira kaydka shidaalka oo uu sheegay in maanta marka wax-soo-saarka maalinlaha ahi gaadho 100,000 ay u dhiganto 3 bilyan oo doolar oo qiimaheedu yahay dalka gudihiisa. Waxa kale oo uu sheegay in ay hayaan barnaamij baadhiseed oo aad u han weyn sanadka 2024-ka oo ay qorshaynayaan in ay qodaan 140 ceel sanadka oo dhan.

Wasiirku waxa kale oo uu taabtay mowduuca xidhitaanka dhuumaha saliida ee Ciraaq iyo Turkiga, kaas oo wali ku xayiran, ku dhawaad sanad kadib markii la joojiyay keenista shidaalka.

Ad
Previous articleSoomaaliya oo ka hadashay warkii Turkigu kasoo saaray qodista shidaalka Soomaaliya
Next articleHorjooge Sare oo Soo Galay Gacanta Ciidamada Galmudug ee ku sugan Baxdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here