Home Wararka Maanta Wasaarada arimaha Gudaha Galmudug oo Ka Hortimid Xilka Qaadistii lagu Sameeyey Gudoomiyihii...

Wasaarada arimaha Gudaha Galmudug oo Ka Hortimid Xilka Qaadistii lagu Sameeyey Gudoomiyihii Degmada Caabudwaaq iyo Khilaaf Culus oo Galmudug ka Curtay

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug waxay ogaysiinaysa dhamaan Bulshada degmada Caabudwaaq iyo madaxwaynaha Dowladda Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaariye in aysan waxba ka jirin qoraalada iyo sawirada la soo galiyay baraha bulshada ee ka hadlahaya mooshinka iyo xilka qaadista madaxda degmada Caabudwaaq.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug waxay cadaynaysaa in ay been abuur tahay qoraalada lagu xusay xilka qaadista gudoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka degmada Cabudwaq.

Waxay sidoo kale wax kamajiraan kadhigaysaa in wax mooshin ah oo waafaqsan sharciga golaha deegaanka, dastuurka dowladda Galmudug, kor joogtaynta wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo xeerarka kale ee jira ay ka dheceen degmada Caabudwaaq.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayada oo fulinaysa sharciga golaha deegaanka ilaalinaysana dastuurka dowladda galmudug waxay tilaabo ka qaadidoontaa qaswadayaalkii ka dambeeyay been abuurka lagu faafiyay baraha bulshada.

Waxaa sidoo kale wasaaraddu haayadaha dowladda u gudbindoontaa masuuliyiinta kulugyeelata abaabulka iyo xasiloodidarada Golaha deegaanka degmada caabudwaaq.

Ugu dambayn wasaaraddu waxay faraysaa maamulka degmada caabudwaaq in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug ayaana Soo Dhaweeyey Xilka Qaadistaan Halka Qoor Qoor iyo Waasaarada Arimaha Gudaha Galmudug ka Horyimaadeen Xilka Qaadistaan .

 

Ad
Previous articleGudoomiyihii iyo ku Gudoomiya Ku Xigeenkii Degmada Caabduwaaq oo Xilka laga Qaaday
Next articleHay’adda Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) oo shaacisay tirada askar maydka ahayd ee Soomaaliland Goojacade uga xarartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here