Home hirshabeelle Dhageyso Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Xilka laga qaaday isagoo ku tilmaamay...

Dhageyso Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Xilka laga qaaday isagoo ku tilmaamay kuwa Guusha Galmudug kaso…

0
SHARE

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay sharci darro tahay fadhiga xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug ay maanta ku sheegeen inay isaga xilka uga qaadaan.

Xubnaha maanta fadhiistay oo gaaraya illaa 54 mudane, ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Galmudug, hase ahaatee Guddoomiyihii ayaa isagu ku maqan magaalada Muqdisho, isaga oo hore u sheegay inuu wakhtiga fasaxa u kordhiyey xildhibaannada, xaalado jira awgood.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu yahay fasax muddo 45 cisho, gudoomiyaha baarlamaankana uu joogo magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada maanta shiray ay ku kulmeen meel aan ahayn xarunta baarlamanka, taasina ay sharci darro ka dhigeyso kulankooda.

Cabdikariim Guuleed ayaa dhinaca kale sheegay in tallaabada xildhibaanada ay maanta qaadeen ay tahay mid qas looga abuurayo Galmudug, oo ay ka dambeeyaan dhinacyo kale oo uu sheegay inay kasoo horjeedaan jiritaanka Galmudug.

Halkan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here