Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Kunciil Kadiye oo loo dilay lacag Dhan Nus Doolar iyo Ninkii Dilay...

Kunciil Kadiye oo loo dilay lacag Dhan Nus Doolar iyo Ninkii Dilay oo lasoo Qabtay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo dil ah oo maanta ka dhacday suuqa xoolaha Dayax ee ku yaalla deegaanka Gubadley ee duleedka Muqdisho, halkaas oo lagu dilay wiil lagu magacaabi jiray Marxuum Kunciil Kadiye Guure.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka uu dilay askari ka tirsan ciidanka deegaanka, kaas oo lagu magacaabo Nuur Cabdullaahi Axmed, isla-markaana ku sugnaa suuqa oo lagu iibiyo xoolaha nool ee Muqdisho looga iib keeno gobollada dalka.

Askarigan ayaa la sheegay inuu marxuumka u dilay wax ka yar nus dollar, taas oo uu ku sheegay inay tahay canshuur, kadibna u rasaas ku furay taas oo sababtay geerida.

“Ninkan ari ayuu watay gaarigaas ayuuna kala soo dagay ninka dilka geytay ayaa ku yiri canshuur iga isii, isna wuxuu ku yiri ariga aan xirto waan ku siinaayaa kadib dhagta ayaa ku xigsatay oo xabadda waaba ku dhuftay” ayuu yiri oday goobjoog u ahaa dilka dhacay.

Eedeysanaha oo goobta dilka ah ka baxsaday ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka, kadib howlgal ay ka sameeyeen halkaasi.

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Gubadley, Cabdullaahi Nuur Kaalibey oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa dhankiisa ka hadlay dhacdadaan, wuxuuna xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan eedeysanaha, isla-markaana la horgeyn doono cadaaladda.

“Alle ayaa mahad iska leh oo nuu suurageliyay gacan ku dhiiglihii saaka dhibka ka geystay suuqa Dayax ku dilay muwaadin Soomaaliyeed una dilay kis yar oo lacag ah oo hal dollar iyo wax lamid ahna u dilay.” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka deegaanka Gubadley.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu isku dayay eedeysanaha inuu baxsado, balse ay kasoo qabteen agagaarka deegaanka Ceel Cirfiid ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo dilal ay inta badan ciidamada dolwadda u geystaan rayidka, walow maalmihii u dambeeyay ay aad u yaraadeen kadib tallaabooyin ay qaaday dowladda.

Ad
Previous articleDood adag oo ka dhalatay weerar uu Macalimuu ku qaaday guddoomiye Abshirow
Next articleNatiijada Doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee Puntland oo la shaaciyey (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here