Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay: 2022 wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya tan iyo...

Qaramada Midoobay: 2022 wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya tan iyo 2017

0

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa Arbacadii sheegay in sanadkii 2022 uu ahaa kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017, sababo la xiriira inay kordheen weerarada khasaraaha badan ee kooxda Al-Shabaab.

Soomaaliya, oo sidoo kale wajaheysa abaaro darran, ayaa la kulantay koror weeraro ayada oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Macawiisleyda ay qaadayaan dagaal “aan waxba loola harin” oo ka dhan ah Al-Shabaab.

“Weerarada sii socda ee Al-Shabaab, oo dhaliyey xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, rabshado galmo oo dagaalka la xiriira iyo kororka khasaaraha dhimasho ee shacabka, waa wax aad looga naxo,” ayuu Guterres ku yiri warbixin uu u gudbiyey Golaha Ammaanka QM.

Intii lagu guda jiray muddada dib u eegista lagu sameeyey, oo ah dabayaaqadii August 2022 illaa horraanta February 2023, Guterres ayaa sheegay in xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM uu diiwaan-geliyey in khasaaraha shacabka uu sare u kacay 153 boqolkiiba oo uu gaaray 1,059, oo ay ku jiraan 382 dhimasho, kuwaas oo badankood lagu eedeeyey Al-Shabaab.

“Kororka khasaaraha ayaa 2022 ka dhigaya kii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliya tan iyo 2017,” ayuu yiri Guterres.

Bilihii dhowaa, ciidamada Soomaaliya iyo maleeshiyada Macawiisleyda ayaa deegaano badan kula wareegay howlgallo ay taageerayaan duqeymaha Mareykanka.

Weerarkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu billowday howlgalka dowladda bartamihii sanadkii tegay, wuxuu ahaa mid ay kooxda ka fulisay aagga xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee Muqdisho bishii October, kaasi oo ay ku dhinteen 121 qof.

Hase yeeshee, Guterres ayaa ku booriyey mas’uuliyiinta Soomaaliya inay xaqiijiyaan in tallaabooyinka “ka-hortagga argagixisanimada” aysan ku xadgudbin xoriyadda hadalka, wuxuuna sheegay “inuu aad uga walaacsan yahay” xariga sharci-darrada ah ee suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta.

Waxa uu sheegay in dagaalka socda iyo amni-darrada ay guryahooda ka qaxiyeen 600,000 oo qof sanadkii tegay “ayna weli caqabad ku yihiin howlgallada bani’aadaminimo.”

Ad
Previous articleWeriye la dilay isagoo war ka tebinaya goob qof lagu dilay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Alshabaab Farabadan oo Markale lagu Dilay Dagaal ka Dhacay koonfurta Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here