Home Wararka Caalamka Weerar loo adeegsaday gaari qaraxyo laga soo buuxiyey oo ka dhacay Dalka...

Weerar loo adeegsaday gaari qaraxyo laga soo buuxiyey oo ka dhacay Dalka Turkiga (Sawirro)

0

Ugu yaraan Askari iyo qof rayid ah ayaa ku dhaawacmay Qarax saaka ka dhacay Gobalka Diyarbakir opo ku yaalla Koonfur Bari dalka Turkiga

Qoraal uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Turkiye, Suleyman Soylu soo dhigay Bartiisa Twitter ayuu ku sheegay in Gaari miineysan oo Jidka dhinaciisa la dhigay la qarxiyey xilli uu Bas ay la socdeen Ciiddan Boolis ah dhinac marayey.

Qaraxaasi waxa uu dhacay abaarihii 05:10 ee Waaberigii hore ee saaka xilliga dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiye waxa uu ku xusay qoraalkiisa in la qabtay labo qof oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen Qaraxaasi, kuwaasi oo haatan lagu hayo baaritaano.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobalka Diyarbakir, Ali Ihsan waxa uu falkaasi ku sheegay Weerar Argagaxiso.

Wakaalladda Wararka Wararka ee ay Dowladda maamusho ee Anadolu News Agency waxay soo werisay in 7 ka mid ah 9-kii qof ee Qaraxaasi ku dhaawacmay laga saaray Isbitaalka, halka ay weli 2 kale ku jiraan Isbitaalka oo lagu daaweynayo.

Ma jirto Koox sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi. hase ahaatee Bishii la soo dhaafay ee November ayey aheyd markii Qarax ka dhacay magaalladda Istanbul ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof, halka ay 81 kalena ku dhaawacmeen.

Dowladda Turkiye waxay Qaraxaasi ku eedeysay Kooxda Hubeysan ee Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (The Kurdistan Worker’s Party) ee PKK, inkastoo ay Kooxdaasi beeniyeen inay ka dambeeyeen.

Ad
Previous articleMahad Salaad oo Taliye cusub u magacaabay ciidamada Nabad Sugida Gobolka Gedo kadib Dilkii Taliye Bakaal Kooke
Next articleMagaalada Malmö Shan Dhalinyaro ah oo lagu soo oogay kufsi wadareed ay u geesteen Haweeney

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here