Home Wararka Maanta Maxay tahay arrinta hadal-heynta dhalisay ee uu Museveni ka sheegay ciidanka Soomaaliya?

Maxay tahay arrinta hadal-heynta dhalisay ee uu Museveni ka sheegay ciidanka Soomaaliya?

0

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, oo martigeliyay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid tahay sida ay labada dowladood isaga kaashan karaan dhinaca amniga.

Museveni ayaa sheegay dalkiisa uu diyaar u yahay sidii uu gacan uga gaysan lahaa in Soomaaliya ay yeelato awood ay kula dagaallanto kooxda kasoo horjeedda.

Balse waxaa baraha bulshada ee Soomaalida hadal-hayn aad u ballaaran ka dhaliyay qaar ka tirsan hadallada uu sheegay madaxweynaha Uganda.

Museveni oo ka hadlayay kulan uu kala qayb galay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisa ay istiraatiijiyaddeeda ahayd inay adeegsato ciidan isxilqaamay oo aan mushaar uga baahnayn.

Dadka qaar ayaa erayadiisa u fasirtay in uu dowladda Soomaaliya usoo jeedinayay inaysan culays iska saarin dhinaca mushaaraadka,.

“Waxay istiraatiijiyaddeennu ahayd in dadka taageersan fikirkeenna ay isu xilqaamaan inay dagaallamaan si aan awood u yeelanno. Sidaas ayay noogu suurtagashay inaan dhisno ciidan xoog leh, mushaarna ma jiro.” ayuu yiri

Waxa uu Museveni su’aal iska waydiiyay sida ay Soomaaliya u maarayn karto bixinta mushaarka ay ciidanka qaadanayaan.

Isagoo isagoo arrintaas ka hadlaya ayuu yiri: “Markii aan Soomaaliya tagay, Shariif iyo Farmajo waxay ka hadleen mushaar. Sideen u maarayn kartaa?

“Haddii aadan dowlad lahayn ama aad leedahay dowlad daciif ah sideed u maarayn kartaa inaad lacag siiso tiro kugu filan? Sababtoo ah Soomaaliya waa waddan wayn, waa saddex jibaarka Uganda dhanka cabirka dhulka, sidaas darteed kuma maamuli kartid tirooyinka toban kun, labaatan kun, xitaa afartan kun.

“Waxay ila tahay in Soomaaliya ay u baahan tahay 80,000 [oo askari], balse sidaad intaas mushaar ku siin kartaa haddii aadan dowlad lahayn?”.

Mushaar xal looma heli karo’

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in isagu uu diyaar u yahay inuu Soomaaliya ka caawiyo dhinaca hubka iyo direyska ciidanka, balse ay “dowlado kale ka raadsanayaan mushaarka”.

“Waxaan Soomaaliya ka caawin karnaa inay ka guulaysato kuwa kasoo horjeeda. Haddii su’aashu ay tahay dhanka hubka waa soo iibin karnaa kaddibna waan siin karnaa, direyska waan siin karnaa, xitaa raashinka waan qaybsan karnaa. Balse waxa aannaan xal u heli karin waa mushaar.

“Mushaar bil walba ah oo tiro badan la siinayo, xal uma heli karno. Sidaas darteed mar haddaad ka hadasho mushaar markaas waxaad hasataa UAE [Isutagga Imaaraadka Carabta], waxay bixinayaan hal bil, kaddibna ma garanayo.. Qadar, kaddib, Turkiya, sideyse dadka ku heli karaan amni?”.

Shirka uu hadalladan ka jeediyay madaxweynaha Uganda ayaa si toos ah looga baahinayay telefishinka oo kasoo tebinayay Madaxtooyada magaalada Kampala.

Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaas ka hadlay ayaa Uganda uga mahad celiyay sida ay dowladdiisa uga caawinayaan la dagaallanka Al-Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay qorshihiisa ku aaddan in diyaarinta dagaal cusub oo lagu qaadayo saldhigyada Al-Shabaab.

Sababta booqashada Xasan Sheekh Maxamuud

Tan iyo markii mar labaad xilka loo doortay madaxweynaha Soomaaliya waxa uu si isdaba joog ah u waday safarro uu dibadda ku aadayay isagoo sheegay in uu taageero u raadinayo xoojinta awoodda dowladdiisa iyo in la wanaajiyo xiriirka ay Soomaaliya la wadaagto caalamka.

Bayaan ay soo saartay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in “wadahadallo miradhal ah” ay dhex mareen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Uganda kaddib markii ay kulan ku yeesheen xarunta madaxtooyada Uganda ee Entebbe.

Labada hoggaamiye ayaa isla meel dhigay sidii loo hormarin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal, xasilloonida Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee heer Qaaradeed, sida lagu xusay bayaanka Villa Soomaaliya.

Uganda ayaa kaalin wayn ka qaadata howlgallada nabad ilaalinta Soomaaliya, waana dalkii ugu horreeyay ee militerigiisa ku daray ciidamada Midowga Afrika.

Ad
Previous articleAl-Shabaab oo u hanjabtay codbixiyeyaasha Kenya ee agagaarka xadka Soomaaliya.
Next articleGudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo qaaday tallaabo Adag oo ka Dhanah fowdadii golaha shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here