Home wararka Dalka Akhriso Magaca Masuulkii u horeeyay ee loo doortay Xubnaha Aqalka sare ee...

Akhriso Magaca Masuulkii u horeeyay ee loo doortay Xubnaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi..

0

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Matalayaasha Somaliland ee ka socota Magaalada Muqdisho, ayaa Kursigii ugu horeyay waxaa loo doortay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee Somaliya.

Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa la tartamaayay Maxamuud Jirde Xuseen, balse Ergada Doorashada ayaa u dooratay Cabdi Xaashi inuu noqdo Xildhibaan Aqalka Sare.

Cabdi Xaashi ayaa helay codad gaaraya 29 cod, sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka ee korjoogtada ka ahaa qaabka doorashada ay u socotay.

Waxa uu noqonayaa Cabdi Xaashi xubintii ugu horeysay Aqalka Sare ee Somaliland ee lagu doorto Doorashada ka socota Xarunta gaadiidka Booliska.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa u mahadceliyay Ergadii dooratay, isaga oo sheegay inuu la imaan doono wax qabad muuqda oo ku aadan masuuliyada loo igmaday.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here