Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada PUNTLAND oo gacanta kusoo dhigay ninkii dilay Cabdixakiin...

Wararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada PUNTLAND oo gacanta kusoo dhigay ninkii dilay Cabdixakiin Fiqi

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka Puntland.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Fiqi ayaa waxaa lagu toogtay bartamaha Garoowe, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga Puntland.

Falka dilka ah kadib ciidamada oo sameeyay howlgal deg deg ah ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanihii ka dambeeyay falkaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdinuur Bashiira Maxamed.

“Howlgal qaatay Saacado kooban oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta boliska G.Nugaal ayaa gacanta lagu dhigay eedaysane Abdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuun Abdixakiin Fiqi oo ka tirsanaa ciidamka booliska G.Nugaal oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Garoowe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi ku daray in soo qabashada eedeysanaha ay soo gacan geliyeen ehelladiisa, ayna u mahadceliyaan maadaama ay la shaqeeyeen ciidanka amniga.

“Taliyaha ayaa uga mahadceliyey ehelada eedaysanaha oo gacan ka siiyay soo qabashadiisa isagoo fariin adag u diray kuwa caadaystay waxyeelaynta muwaadiniinta, sharciguna uu kawayn yahay cidkasta” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Puntland aya sidoo kale farriin u dirtay shacabka waxayna ka codsatay inay la shaqeeeyaan laamaha amniga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah amniga.

“FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Wasiiro Xilka laga Qaaday iyo Kuwa Cusub oo la Magacaabay
Next articleWax ka ogoow malaayiin doolar oo Soomaaliya la siiyay ka dib dayntii dhawaan laga cafiyay iyo Waxa lagu Qabanaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here