Home Wararka Maanta Alshabaab oo Shaacisay Qabiilka uu kasoo Jeedo ninkii isku Qarxiyay Xarunta Gobalka...

Alshabaab oo Shaacisay Qabiilka uu kasoo Jeedo ninkii isku Qarxiyay Xarunta Gobalka Banaadir

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeeday mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo ku billowday qaraxyo kadibna uu xigay dagaal ay gudaha ku galeen maleeshiyadaas.

Kooxda ayaa ninkaan kamidka ahaa raggii fuliyay weerarkii gobolka Banaadir ku sheegtay magaciisa Cilmi Cumar Xasan Afrax (Yaxye).

Ninkaan ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, oo laga duubay kahor inta ay maleeshiyada weerarka kusoo qaadin xarunta ayaa wuxuu ku sheegay inuu ku dhashay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu kasoo jeedo beesha Daa’uud ee Abgaal, oo ah beesha uu sidoo kale ka dhashay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Wareysi laga qaaday ninkaan intii aysan maleeshiyada weerarka ku qaadin xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay baahisay warbaahinta kooxda ayaa wuxuu ku sheegay in xarunta u beegsadeen si ay u gumaadan madaxda muhiim ah ee halkaasi ku sugan.

Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka ku socda ee lagu gaarsiiyay jabka xoogan, uusan wax ka badali doonin beegsiga madaxda iyo masuuliyiinta dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qaldan oo galaaftay nafahooda.

22-kii bishaan ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, inkasta oo saacado kadib lasoo afjaray, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay magaalada Muqdisho kadib dagaalka culus ee kaga socda gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada.
Ad
Previous articleDiyaaradihii Kasoo Dagi lahaa Garoonka Muqdisho Talaada Iyo Arbacada oo La Joojiyay iyo Dowlada oo ka Hadashay
Next articleWasiirkii ugu Horeeyey ee Kasocda Wadamada Ciidamadu ka Joogaan Soomaaliya Soo gaaray Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here