Home Wararka Caalamka Dad lagu dilay weerar ka dhacay kalaab habeenkii lagu caweeyo oo ku...

Dad lagu dilay weerar ka dhacay kalaab habeenkii lagu caweeyo oo ku yaal Mareykanka

0

Nin hubaysan ayaa rasaas ku furay goob habeenkii lagu caweeyo oo ay isugu tagaan dadka isku jinsiga ah ee wax kala raadsada oo ku taal gobolka Colorado ee waddanka Mareykanka, isagoo halkaasi ku dilay shan qof halka 18 kalana ay ku dhaawacmeen.

Qof laga shakisanyahay ayaa la qabtay waxaana laga dabiibayaa dhaawacyo soo gaaray, sida ay boolisku sheegeen.

Bayaan uu soo gaaray kalaabka weerrarka uu ka dhacay, Club Q, ayaa lagu sheegay inay ka argagaxeen waxa ay ugu yeereen weerrarka naceybka ah ee lagu soo qaaday.

2016-kii, 49 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday kalaab ay lahaayeen dadka isku jinsiga ah ee wax kala raadsada oo ku yaal gobolka Florida.

Booliska gobolka Colorado Springs ayaa sheegay in warka gargaarka degdega ah uu soo gaaray 23:57 habeennimo ee waqtiga maxalliga ah.

Qofka laga shakisanyahay ayey boolisku ugu tageen gudaha kalaabka.

Ad
Previous articleP.M Xamse Barre oo la kulmay Safiirka cusub ee dalka Imaaraadka (Sawirro)
Next articleXassan Shiikh oo Magacaabay Gudoomiye ku-xigeenada G/Banaadir iyo Caliyare Cali oo Xilka Laga Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here