Home Wararka Somaliya Somaliland Wasiir iyo 3 Musharax oo kale oo wax kayar Saacad gudeheed ...

Wasiir iyo 3 Musharax oo kale oo wax kayar Saacad gudeheed lagu Doortay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka socota doorashada Xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka.

Kursiga ugu horeeyay ee saakay doorashadiisa ka dhacday magaalada Muqdisho HOP268 waxaa ku guuleestay Wasiir kuxigeenka Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa oo horey ugu fadhiyay kursigan kadib markii loo tanaasulay.

Waxaa sidoo kale kursiga sumaddiisu tahay 267 kusoo baxday  Saynab Maxamed Caamir oo iyanna horey ugu fadhisay kursigan, Xildhibaanadan ayaa waxa ay kusoo baxday qaab gacan taag ah kadib markii musharaxii la tartameysay u tanaasushay.

Kursiga saddexaad ee saakay doorashadiisa ka dhacday magaalada Muqdisho HOP236 waxaa ku guuleestay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo isna horey ugu fadhiyay kadib markii uu u tanaasulay musharaxii malxiiska u ahaa.

Waxaa sidoo kale kursiga afaraad ee saakay doorashadiisa ka dhacday magaalada Muqdisho kusoo baxay Xildhibaan cusub oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo isna loo tanaasulay.

Doorashada dalka ka socota ayaa inta badan ah kuwa la musuq maasuqay oo loo tanaasulay xubno si gaar ah markii hore loogu xiray kuraastaasi, waxa ayna doorashada sanadkan u muuqataa tii ugu musuqmaasuqa badneed ee dalka ka dhacda.

Ad
Previous articleWaa Sidee Xaalada Deegaanka Haraale kadib Laba Maalin oo Dagaal Kasocday?
Next articleTaliyaha Saldhiga Degmada Guriceel oo La Dalacsiiyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here