Home Wararka Maanta Kooxda Alshabaab oo ku dhawaaqday in aysan heynin awood ay isaga difaacdo...

Kooxda Alshabaab oo ku dhawaaqday in aysan heynin awood ay isaga difaacdo ciidamada ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri

0

Wararka Laga helaayo Galmudug Gaar ahaan Degmooyinka Ceelbuur Jacar iyo Galhareeri ayaa Sheegaaya in kooxda Alshabaab Goob Fagaare ah ka Sheegeen inaysan Haysan Haysan awood Ciidan oo ay isaga Difaacaan Dagaalka Kusoo Wajahan.

Waxayna Dadka Deegaanka Ka Codsadeen inay iska Difaacaan Cadowga Kusoo Socda oo ay ula Jedaan Ciidanka Xooga iyo Kuwa Galmudug oo Ka Shaanaaya Dadka Kasoo Jeeda Deegaanadaan.

Alshabaab ayaana ku dadaalaaya in Dadka Deegaanka Ku Qanciyaan inay Dagaalka Galaaan ayagoo ku micneeyey Indagaalkaan yahay Dagaal Qabiilaysan oo Dhulkooda Lagu boobaayo Wa siday Hadalka U dhigeene.

Balse Dowlada Soomaaliya ayaa Doonaysa in Dadka Degan Ceelbuur iyo Agalhareeri oo  Alshabaab maamulaayeen in kabdan 15sano laga Xoreeyo Lana Gaarsiiyo adeega Dowlada Sida Caafmaadka iyo Waxbarashada.

Diyaargarowgii ugu Danbeeyey oo Ciidamada Dowladu Wadaan ayaa Laga Dareemaya Deegaanada Galmudug oo uu kusugabyahay Madaxweyne Xasan shiikh oo Saraakiisha Amniga U Qabtay in mudo Sagaal Maalmood ah Alshabaab looga Saaro Ceelbuur iyo Galhareeri.

Alshabaab ayaana La Filayaa inay isaga Baxaan Degmooyinkaaan Madaama ayasan Ciidan Xoog leh Haysan Dhawaan Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal oo Alshabaab Qorshaynayeen inay ku Difaacaan Ceelbuur iyo Galhareeri Waxaa Lagu Duqeeyey Galgaduud Taas oo Alshabaab Dhabar Jab Xoogan Ku noqotay.

Ad
Previous articleLaftagareen oo safar uga Baxay diyaarad u qaatay degmo Baydhaba u jirta wax yar qiyaastii illaa 65 kiilo mitir.
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here