Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Musharixiinta Magacyada 13 kursi ee Baraawe oo La Shaaciyay iyo Xildhibaan Dalxa...

Musharixiinta Magacyada 13 kursi ee Baraawe oo La Shaaciyay iyo Xildhibaan Dalxa oo la Reebay

0

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay musharaxiinta isku soo taagay doorashada 13-ka kursi ee lagu dooranayo magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.

Qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada ayaana lagu soo bandhigay magacyada 26-musharax oo isugu jira rag iyo Dumar, kuwaa oo ku tartamaya 13-ka kursi ee lagu dooranayo magaalada Baraawe.

Musharaxiinta la diiwaangeliyay lana siiyay shahaadada musharaxnimo ayaa isugu jira kuwa hore iyo kuwa saaxada siyaasada ku cusub uu si gaar ah u wato Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo katirsanaa Baarlamaanadii kala duwanaa ee dalka soo maray ayaa sanadkan laga reebay tartanka doorashada, waxaana booskiisa ku tartamaya labo musharax oo kale.

Halkan ka akhriso magacyada musharaxiinta la diiwaangeliyay

Ad
Previous articleOdayaasha Beesha Xawaadle oo Heshiis la Gaaray Madaxweyne Cali Guudlaawe(Sawiro)
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Gudoomiyaha Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Xili Doorashadu Dardar Ku Socoto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here