200-125 300-115 200-105 200-310 640-911 300-075 300-320 300-360 642-998 QV_DEVELOPER_01 400-101 700-501 117-201 70-696 700-505 600-199 400-351 300-207 TE0-141 100-105 300-101 300-206 300-070 70-417 210-260 210-060 200-355 300-208 CISSP 300-135 210-065 300-209 70-243 70-480 CCA-500 2V0-621D 210-451 400-051 E05-001 1Z0-052 70-410 640-916 VMCE_V9 810-403 070-464 070-243 700-802 70-246 FCBA GPHR DEV-401 C2090-610 SY0-401 712-50 ADM-201 700-039 312-50 MA0-101 648-244 SK0-004 ASF 70-494 70-673 500-005 1Z0-060 C9560-503 640-875 N10-006 98-367 70-534 NS0-505 70-342 CHFP 070-410 640-878 1V0-603 1Z0-804 C8010-250 312-50V9 C2150-508 98-368 CLOUDF 70-411 70-461 220-901 70-488 070-341 PK0-003 E20-547 70-412 70-686 500-285 CISM 101-400 102-400 PDM_2002001060 JN0-100 642-883 CAP 070-347 Akhriso Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka madasha qaran iyo Aqalka sare oo lagu Kordhiyay 18 Xubnood. | Mudug 24 online
radiomudug24 xayisiin mudug24 source

Akhriso Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka madasha qaran iyo Aqalka sare oo lagu Kordhiyay 18 Xubnood.

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) oo kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay  15 – 24 Disembar 2016-ka ayaa ahaa kulankii ugu waqtiga dheeraa, waxaana kulanka laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Madaxda Madasha ayaa isku raacay in 18 xubnood lagu kordhiyo Aqalka Sare, iyadoo maamul walba la siiyay min saddex xubnood.

Waxaa kaloo Madasha ay isla gaareen in 11-kii kursi ee la laalay, dib loogu celiyo doorashadooda, halka 11 kalena la fasaxay, sida lagu sheegay war murtiyeedka ka soo baxay Madasha.

Hadaba war mutiyeedka Madasha ka soo baxay halkan hoose ka akhriso:-

. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Hirshabeele, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo iyagu si gooni ah loo casumay si aay warbixin u siiyaan MHQ.

1. Ujeedada Kulanka.

1.1 Kullankani wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdiso, taarikhdu markay ahayd 7dii-8dii Disember, 2016, ujeedadiisuna tahay go’aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee golaha sharci dejinta qaranka ee 2016ka.

1.2 Muddadii kulankan socday MHQ waxay la kulantay warbixinnona ka dhegeysatay hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Danjirayaasha iyo deeq bixiyeyaasha u fadhiya wadamooda Somalia ee uu hogaaminaayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, GFHDD oo uu hogaaminaayey guddomiyahooda, Mudane, Avv Cumar Maxamuud Cabdulle, Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo isna uu hoggaminaayey guddomiyaha guddiga, Mudane Abririzaq Barre Jamac.

1.3 MHQ waxa ay sidoo kale waqti siisay xallinta saami qaybsiga aqalka sare ee Barlamanka Soomaliyeed.

1.4 Muddadii uu kulanka socday MHQ waxa ay si qotto dheer uga hadashay wax ka qabadka abaaraha dalka soo food saarey.

2. Dhageysiga warbixinnada guddiyada loo xil saaray fullinta dooroshooyinka dadban.

2.1 Madasha waxay kulamo dhowr ah la yeelatay Guddiga Federalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ugana xog waramay heerka howlihiisa marayaan iyo natiijooyinka ka soo hoyday degaan doorashooyinka dalka oo dhan. Ka dib markii MHQ iyo GFHDD ay si qotto uga wada xaajoodeen arrimaha uu soo bandhigay guddiga islana meel dhigeen, madaxda madashu waxay ammaan iyo bogaadin u jeediyeen guddiga sida wacan uu u fuliyey xilkaan qarameed ee loo xil saaray iyadoo la ogsoon yahay in ay ku shaqaynaayeen daruufo aad u adag.

2.2 MHQ waxay guddiga ka codsatay in kuraasta dooroshooyinkooda dhimman yahiin in aay degdeg u soo afjaraan.

3. Dhageysiga warbaxinnada GXKHDD.

3.1 MHQ waxay GXKHDD ka dhegeeysatay xog waran tifaftiran kuna saabsanaa 22 kursi ooy dacwadahooda aay dhageysteen dacwooyinkaas oo mid mid MHQ iyo Xubnaha Guddiga si qooto dheer isaga xog wareysteen isuna falanqeeyeen.

3.2 Guddiga waxa ay madasha u sheegeen 11 ka mid ah kuraasta muranka ka taagnaa ay dib u falanqeeyeen xalna ka gaareen, oo hadda ay fasaxeen, 11ka kalena ay go’aamiyeen in doorasho dib loogu celiyo.

3.3 MHQ iyo Guddiga waxay markaas ka dib wadajir uga baaraangdegeen nuxurka dacwooyinka 11 ka kursi guddigu dib u celiyey. Isu xogwaran ka dib Madashu:

a. Waxaa u soo ifbaxay xowliga degdegga ah ay ku socoto hirgelinta doorashada in dhageysiga iyo ka gungaaridda dacwadaha guddigu u helin muddo ku filan oo waqti xadidan lagu dhameystirayo;

b. Waxa soo ifbaxay in haddii Guddigu haysan lahaa xogta iyo macluumadka dheeriga ah ee lagu helay iswareysiga MHQ iyo guddigu is dhaafsadeen in go’aanka guddigu uu ka duwanaan lahaa midka ay hadda gaareen.

c. Waxaa si cad u muuqatay in marxaladda go’aan ka gaarista guddigu la tixgelenin xaaladaha amniga, siyaasadda ku xeernaa kursi kasta iyo duruufaha degaan-doorasho walba u gaarka ahaa.

d. Waxa iyana jirta in go’aanada iyo qaabka go’aan gaaridda guddiyada dooroshooyinka dadban ay ku kala duwan yihiin.

3.4 Haddaba, Madashu:

a. Ayaadoo tixgelisay macluumaadka dheeriga ah ee kor ku xusan haddii guddigu haysan lahaa u gaari lahaa go’aan ka duwan midka ay kursiga dib ugu celiyeen;

b. Garwaaqsatay in ay danta ku jirto in la yareeyo khilaaf iyo is qabqabsi hor leh ka dhalan kara ku noqoshada naatijada doorashada;

c. Tixgelisay daruufihii adkaa ee doorashada loo soo maray iyo in la dhowraariyo guuliha qaranka ka gaaray doorashooyinka 2016ka ee laga fuliyey dalka;

d. Fiiro gaar ah u yeelatay dhibaatada guud ee ku iman karta, dib u dhac iyo xasilooni darro ku timaada habsami u socodka dhameystiridda doorashooyinka qaran.

3.5 Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay

a. In in kuraasta muranka gashay oo Guddiga Xallinta Khilaaftka Doorashooyinka hakiyey uu isla guddigan dib-u-eegis ku sameeyo ayadoo gundhig iyo qaddarin looga dhigayo macluumaadkii dheeriga ahaa ee kusoo ifbaxay xog-is-dhaafsigii iyo isu xog-warrankii dhexmaray xubnaha Madasha iyo xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka;

b. In dhammaan musharrixiintii Guddiyada doorashooyinku ka hakiyeen xaqa siyaasadeed ee ka qaybgelidda doorashooyinka waa laga cafiyey hakinta xuquuqdooda siyaasadeed oo way ka qaybgeli karaan tartanka doorashooyinka;

c. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanaya in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli ka dhiman oo mid walba hor yaal.

4. Dib-u-eegista Qoondaynta kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

4.1 MHQ ayadoo tixgelineysa cabashada kasoo noqotay Maamullada Dawladaha Goboleed qaarkood iyo beelo aan horey aan uga mid noqono wax qaybsiga Aqalka Sare Madashu waxay guddoomisay in tirada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ahayd konton iyo affar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo sidaas tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare noqoto toddobaatan 72 kursi.

4.2 Sideed iyo tabanka kursi la kordhiyey waxa si siman loogu kala daray Dawld-Goboleedyada waxaana loo qaybiyey sida soo socota:

Magaca———Tirada kuraasta hore—-Tirade kuraasta la kordhiyey—Wadarta
1. Somaliland——–11 kursi————–3 kursi————————-—14 kursi
2. Puntland———-11 kursi—————3 kursi————————-—14 kursi
3. Galmudug——–8 kursi—————-3 kursi————————-—11 kursi
4. Hirshabeelle—–8 kursi—————-3 kursi————————-—11 kursi
5. K/Galbeed——-8 kursi—————-3 kursi —————————-11 kursi
6. Jubbaland——-8 kursi—————-3 kursi————————-—-11 kursi

Wadart————–54——–————18—————-———————-72

4.3 Sidded iyo tabanka Kursi ee la kordhiyey waxaa soo magacabaya Madaxweynayaasha Dawladaha Goboleedyada, waxaana Xeer Madaxweyne ku soo saaraya Madaxweynaha Jumhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha MHQ.

4.4 Madaxda Madasha Qaranku waxay soo dhoweynaysaa baaqa siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ee la xiriira in hay’adaha dawladda ee dhismaya 2016-2020 xil weyn iska saaraan oo mudnaanta koowaad la siiyo ka miro dhalinta wadahadalada u socda Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyo in laga wada xaajoodo saami qaybsiga awoodaha siyaasadeed.

4.5 Saddaxda kursi ee loo kordhiyey Gobollada Woqooyiga Soomaaliya ee Somaliland waxaa soo magacaabaya R/Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo la tashaday Odayaasha Dhaqanka Beelaha Samaroon, Ciise iyo Fiqi-Shinni.

4.6 Madaxweynayaash Dawladaha Goboleedyada iyo R/Wasaare ku-Xigeenkuba waa in ay xubnaha ay soo magacaabeen usoo gudbinaya Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu dambayn 28 Diseembar 2016.

4.7 Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban iyo Guddiga Fulinta Doorashooada Xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyiga Soomaaliya ee Somaaliland waxaa la faraya in ay si degdeg ah u dhammaystiraan ugu dambaym 30-ka Diseembar 2016.

5. Xilhaynta Guddiyada Doorashooyinka Dadban

5.1 Guddiyada Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Heer Dawlado Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo mudda xilhayntooda ku ekeyd 31.12.2016 waxaa xilhayntooda loo kordhiyey ilaa iyo inta ay kasoo gebageboobeyso kuraasta ka dhiman doorashoyinka Dadban ee Golaha Shacbiga iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

6. Xaaladda Abaaraha Dalka soo foodsaaray

6,1 MHQ waxay si qottadheer u darseen xaaladda abaaraha dalka soo foodsaaray oo durba dadka iyo duunyada saamaysay, loona baahan yahay in si degdeg ah loo abaabulo gurmad iyo ka hortagga abaaraha.

6.2 Deseembar 18, 2016 MHQ waxay hay’adaha dawladda ku hawl leh ka hortagga aafooyinka dabiiciga ka dhegeysatay warbixin ku saabsan xaaladaha iyo ilaa heerka ay abaartu dalka saamaysay. MHQ waxay haddiiba:

(a) Magacaaday oo dhistay Guddiga Farsamo oo loo xilsaaray Gurmadka iyo ka hortagga abaaraha oo si degdeg ah u hawlgala, xubnihiisuna ka koban: Xafiiska Madaxweynaha, Xafiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalaynta, Xafiiska ka hortagga iyo Maareynta Masiibooyinka iyo xubno ka socda dhammaan maamul goboleedyada Dawladaha Goboleed ee xubnaha ka ah Federalka Somaliya.

(b) In Dowladda Federalka Somaliya iyo xubnaheeda dowlad goboleedyada ay hormuud ka noqdaan isku tashi ummadeed iyo in la abaabulo qaybaha kala duwan ee bulshada iyo qurba joogta Soomaaliyeed, si ay ugu gurmadaan walaalahooga abaartu saamaysay.

(c) Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha goboleed ee Xubin ka ah Federaalka Soomaaliya waxay wadajir 21-kii Deseembar 2016 baaq gurmad degdeg ah ugu jeediyeen dhammaan Danjirayaasha dalalkooda ku mattala Soomaaliya, dalalka aan walaalaha nahay, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Samafalka Caalamiga ahba laga codsaday inay in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan gobollada dalka abaaruhu saameeyeen lasoo gaaraan kaalin muuqatana ka geystaan.

7. Munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka

7.1 MHQ waxay go’aamisay in munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka la qabto maalinta talaadada 27 Diseembar 2016, taas oo ka dhici doonto Akademiyada Booliska Soomaaliyeed (Scuola Polizia).

1. Mahadcelin.

8.1 MHQ waxay mahadnaq u jeedineysa dhammaan Maamullada Dawladaha Goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya sida habsamida xilkasnimada leh ay Magaalo Madaxyadooda uga suurtogeliyeen una fuliyey qabashada doorashooyinka dadban ee 2016 si naba iyo xasilloni ku dheexan.

8,2 Waxay kaloo si gaar ah ugu mahad iyo bogaadin u jeedinayaan dhammaan xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiyada Doorashooyinka Heer Dawalad Goboleed sida wacan ay xilkooda qarameed u fuliyeen, hawlaha doorashooyinkana u maamuleed si mihnadyahannimo ku dheehan.

8.3 MHQ waxay gallad iyo qaddarin iyo mahadcelin gaar ah u jeedineysa dhammaan Ciidammada Qalabka-Sida sida hufan oo waddanimada ku dheehan ay amniga doorashooyinka qaranka u sugeen ayagoo weliba duruufo adag ku shaqaynayey. Waxay sidoo kale Madashu mahad iyo bogaadin u jeedineysa dadweynaha Soomaliya guud ahaan iyo odayaal dhaqameedka bulshada Soomaaliyeed iyo ergooyinka doorashooyinka dadban oo ka wakiilka ahaa dadweynaha soomaaliyeed.

8.4 Gunaanadkii, Madasho waxay Beesha Caalamka, oo uu hoggaaminaayey Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay M.ne Michael Keating, ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah iyo talooyinka siyaasadeed iyo farsamo oo ay had iyo jeer la garabtaagan yihiin Dawladda Soomaaliya.

10 ku laabo mudug24 xiriir

Comments

comments

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. NUURKANEDERLAND says:

    WARA WAX MADAL LA DHAHAA OO SHARCIYEYSAN MA JIRAANE,MAR HADAYSAN SHARCI AHAYNA WAXAY SOO SAARAAN SHARCI MAAHA,,,MADASHA WAXAA SAMAYSTAY MICHEAL KAETING ISAGOO RABA INUU TALADA MAQAARSAARKA AH EE SOMALIYA UU U SAMAYSTO AFAR QOF OO UU KU SHAQAYSTO,,SI TALADU AYSAN UGA BAAHIN,,,




ad

Shir Qasaara dhaliyay oo ka dhacay Gobalka Mudug.
- Nov 19, 2017
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka ...
Baarlamaanka soomaaliya oo Maanta isku Raacay in Arintii Qalbi Dhagax ay Aheed Sharci Daro.
- Nov 18, 2017
Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta isku Raacay in ay aheed arin Qalad ah ...
Galmudug iyo Ahlusna oo Shir Uga Furmaya Kenya.
- Nov 18, 2017
Madaxweynayaasha Ahlusunna iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Madaxweynaha Galmudug ...
Dhageyso Shiikh Umal oo ka hadlay iscasilaada Wasiirad Maryam Qaasim isagoo yiri..
- Nov 18, 2017
Wasiiradii Gar gaarka Xukuumada Soomaaliya Maryan Qaasim ayaa dhawaan xilkeeda isaga tagtay, waxaana soo ...
Robert Muganbe oo kasoo muuqday Meel fagaaro ah isagoo wali ku dhagan go.ankiisa..
- Nov 18, 2017
Madaxweynaha wali xilka ka raaraca ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa markii ugu horeysay kasoo ...
Dalka Taliyaaniga Mid kamid ah Faafiyada ugu weyn Dalkaasi oo Geeriyooday..
- Nov 18, 2017
Hoggaamiyihii kooxda Maafiyada Talyaaiga Salvatore ‘Toto’ Riina ayaa ku dhintay isbitalka xabsi ku yaalla ...
Madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo ku Wada Sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya..
- Nov 18, 2017
Warar laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya ayaa sheegaya in Halkaasi ku suganyihiin ...
Guddigii Loo Xil saaray Kiiska C/kariin Qalibi dhagax oo Biri Baarlamaanka Hortegaya Jawaabana Laga Sugayo
- Nov 18, 2017
Guddigii loo xil saaray kiiska Sarkaalka lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax ayaa ...
Hay”ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Ee Dowlada Soomaaliya oo La wareegtay Doonyo Lagu Ilaaliyo Xuduudaha Dalka+Sawiro.
- Nov 17, 2017
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta la wareegtey doon nooca dheereysa ...
Dalka Zimbabwe Robert Muganbe oo Wali Diidan Xilka in uu wareejiyo isagoo ku xiray..
- Nov 17, 2017
Madaxwaynaha muddada dheer ka talinayay Zimbabwe Robert Mugabe ayaa diidan yahay inuu xilka ka ...
Dowlada soomaaliya oo Qabanaysa Shir Wayne ay Ka qayb galayaan Culumaa”udiin.
- Nov 17, 2017
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheneysa shir weyne Qaran oo ay isugu keeneyso Culimada Soomaaliyeed, ...
Dowlada Germalka oo Diyaarada Kuwait ku Raacday go.anka ay ku diiday Qaadista ninka Yahuudiga..
- Nov 17, 2017
Maxkamad ku taaalla Jermalka ayaa go'aamisay in shirkadda diyaaradaha ee Kuwait airline ay xaq ...
Shirkada Diyaaradaha Kuwait oo diiday in ay Qaado nin Yahuuda kasoo jeeda..
- Nov 17, 2017
Shirkadda dayuuradaha Kuwait Airways ayaa diiday inay qaado nin sitay baasaboorka Israel oo ka ...
Sawiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf oo Gaaray Dalka Kenya..
- Nov 17, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa gaaray Caasimada Dalka kenya ee Nairobi, Xaaf oo ...
Dhageyso Rabshado ka taagan Hargeysa iyo Burco oo dhigayaan Dad Careysan,,
- Nov 17, 2017
Mudaharaadyo rabshado wata ayaa ka dhacay galabta iyo caawa Magaaladda Burco, ka dib markii ...

Facebook/Twitter

-----------------------------------------------------------------

ad


%d bloggers like this: