Home Wararka Maanta Doorashada Xildhibaanada Goballada Waqooyi oo Maanta ka dhacaysa Muqdisho

Doorashada Xildhibaanada Goballada Waqooyi oo Maanta ka dhacaysa Muqdisho

0

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada 6 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland

Guddiga maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Maanta ay dhaceyso doorashadooda.

Musharrixiinta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi  ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Xubno kale.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer afederaal Axmed Safiino ayaa sheegay in 101 Ergo oo kamid ah Ergada doorashada ay dooranayaan min laba ilaa Saddex kursi taasina ay fududeyneyso in kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi si deg deg ah loo soo geba-gabeeyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maalmaha soo socda degaannada dowlad Goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed ay doorashada ka bilaaban doonto, wuxuuna ugu baaqay Maamulada kale inay dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Afhayeenka waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in 24 Bisha December la soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Ad
Previous articleFaah Faahin ka Soobaxaysa Dil xalay ka dhacay Muqdisho
Next articleQaar ka mid ah Xildhibaanada Goballada waqooyi oo Maanta Muqdisho lagu doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here