Home Wararka Maanta Fahad yaasiin oo Toos Looga reebay Diyaaradaha Turkish oo Maanta Muqdisho imaaday

Fahad yaasiin oo Toos Looga reebay Diyaaradaha Turkish oo Maanta Muqdisho imaaday

0
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Aden Adde ay ka soo degtay diyaaradda Turkish Airlines oo shalay dib uga laabatay dalka Jabuuti, kaddib markii ay heshay amar ah in rakaabka saaran aysan Muqdisho iman karin.
Ilo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa VOA u xaqjiiyay in duulimaadkii maanta aanu la socon La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, oo ka mid ahaa rakaabkii duulimadkii shalay dib looga celiyay Jabuuti.
Shalay, war saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti, iyadoo ku tilmaantay ‘mid aan sharci aheyn oo aan sii xoojineyn xiriirka labada dowladood’.
Dowladda Jabuti ayaa dhinaceeda iska fogeysay eedeynta loo soo jeediyay, waxayna dhinaca kale xaqiijisay in dhammaan dadkii saarnaa dib loogu celiyay magaalada Istanbul oo markii hore duulimaadkani ka yimid.
Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo war ka Soo saartay Xaaladda Siyaasada Soomaaliya
Next articleWasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug oo ka hadashay dad Lagu dilay xaranbuure

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here