Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Laascanood oo Dagaal Culus ka socdo

Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada magaalada Laascanood oo Dagaal Culus ka socdo

0

Maalintii labaad ayaa dagaal ka socdaa magaalada Laascaanood.

Dagaalka ayaa maanta ka duwan kii shalay iyadoo madaafiicda kala duwan laysu adeegsanayo, dhinaca waqooyigana u badan yahay.

Magaalada ayaa koranto la’aan ah iyadoo ay waxyeelo soo gaarsiiyeen madaafiicda waayirada dabka magaalada soo gaarsiiya.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada deegaanka iyo kuwa Somaliland ayaa kasocda duleedka Bariga ee magaalada Laascaanood, saacado dheer oo duqeyn toos ah ay Somaliland ku waday nagaalada ka dib weerarka lugta ah ayaa bilowday.

Madaafiicda ayaa khasaare u geystay magaalada tan iyo shalay, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay talaabada SL muujinaysa ka dhabeynta Hanjabaadii madaxda maamulkaas.

Ad
Previous articleMaxkamadda Ciidamada oo xukuno ku riday Sedax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.
Next articleHirshabeelle oo ATMIS siisay Amar la xiriira Garoomada Diyaaradaha deegaanadeeda Xili Cali Jayte Xiray Garoonkii Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here