Home Wararka Maanta Alshabaab oo Deegaano Cusub oo Ka Tirsan Laga Saaray Iyo Ciidamada Dowlada...

Alshabaab oo Deegaano Cusub oo Ka Tirsan Laga Saaray Iyo Ciidamada Dowlada Oo la Warewgay

0

Ciidamo DF iyo kuwa deegaanka ayaa la wareegay degaano hoostaga Degmada jalalaqsi gobolka hiiraan oo ay gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab

Degaannada ay la wareegeen waxaa ka mid ah,  Qurcaley, Jabiley iyo degaano kale oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee gobolka hiiraan sida aay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha hogaamineysay howlgalkan.

Ciidamada oo ku hubeysan gaadiid dagaal iyo hub kale oo culus ayaa weli howlgallada sii wada, iyagoo ku wajahan degaano kale oo weli gacanta ugu jira Al-shabaab.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiin kale ayaa ku laabtay magaalada Beledweyne ka dib hawlo shaqo oo uu ugu maqnaa dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Ad
Previous articleSaacad dhaleecayn u soo jiidday madaxweynaha Faransiiska, dood kulanla dhalisay
Next articleDhurre Yuusuf Garow oo kasoo goostay Al Shabaab kana hadlay Sababta ku kaliftay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here