Home Wararka Somaliya Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay sababta sanadkan loo baajiyey xuska Maalinta...

Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay sababta sanadkan loo baajiyey xuska Maalinta 12ka Apriil

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan 12-ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xassan Shiikh ayaa ka hadlay sababta sanadkan loo baajiyey munaasabadii loo sameyn jiray sanadguurada aasaaska ciidanka xoogga dalka

“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Waa maalin ku asteysan sanadguuradii la xusay ayadoo halgaln lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse  lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada”

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadkan munaasabaddan ay ka duwan tahay kuwii hore oo ay kusoo aadday waqti aad muhiim u ah.

Wuxuu sheegay in sanadkan lagu xusayo dagaal, dib u xoreynta dalka soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooduba mar kale ugu hambalyeeyay xuska 12-ka April, wuxuuna xusay in taariikhda ay maanta samaynayaan Ciidanka ee la dagaallanka Al-shabaab ay tahay mid qormayso lana xusi doono.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aaday xili dhowaan ciidamada DF oo kaashanaya shacab hubeysan ay bilaabeen wajiga labaad ee howlgalka lagu soo afjarayo Al-shabaab, kaasoo qorshuhu yahay in guud ahaan dalka looga sifeeyo.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Dowladda Mareykanka (Sawirro)
Next articleDanjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo jawaab kulul ka Bixiyay Hadal Kasoo Yeeray Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here