Home Wararka Maanta Maraykanka oo Markaan ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa...

Maraykanka oo Markaan ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza Kadib Dagaalo Qaraar oo wali socda

0

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan, kadib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto.

Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, kadib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya.

Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Natenyahu ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in ay u badan tahay in militariga Israel uu amniga Gaza si abadi ah u maamuli doono, arrintaas oo walaac galisay dawladda Maraykanka.

Blinken oo warfidiyeenka kula hadlaya isaga oo jooga dalaka Japan ayaa sheegay in qorshe kasta oo Gaza la xiriira, dagaalka ka dib, inuu ahaado maamul ay Falastiin hogaamiso oo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ay ku mideysan yihiin.

Israel ayaa kumanaan qof ku xasuuqday Gaza. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee dadka rayidka ah ay gaartay 10,569 qof, oo ay ku jiraan 4,324 carruur ah.

Tani ayaa ka dhigan in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay weerarada Ciidamada Israel ku dhinteen 241 qof, sida ku cad tiradii ugu dambeysay ee shalay la shaaciyay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa mar kale Maamulka Israel ugu baaqday in ay joojiyaan dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ka gaysanayaan Gaza.

Ad
Previous articleXarun kale oo Hormuud leedahay oo Cawa Markale Qaraxyo lagu weeraray
Next articleNaadiya Maxamed oo Ka hadashay Doorashadii Cajiibka ahayd ee ay kusoo Baxday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here